Latest Videos

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La...

Shirka oo looga hadlay dardar-gelinta dadaallada loogu jiro cafinta daynta lagu leeyahay dalka ayaa guddigu waxa ay Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigeen tallaabooyinka ay qaadeen, natiijooyinkii kasoo baxay kulamadii ay yeesheen guddigu iyo qorshahooda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray guddiga dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta in ay laba jibbaaraan dadaallada ayna ku taagnaadaan qorshaha dalka daynta looga cafinayo si loogu diyaar garoobo horumar ballaaran oo Soomaaliya ay kuy tillaabsato.
Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay ayaa ku guulaysatay dhammaan shuruudihii la hor dhigay, waxaana hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dhammaan dhinacyada dalka daynta ku leh ay ku ammaaneen hoggaanka dalka sida ay uga go’antahay in dalka daynta laga nadiifiyo.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo looga hadlay horumarinta dhqaalaha dalka iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.
Maamulka Gobolka Banaadir oo xoojinaya...
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow)ayaa maanta kulan gaar ah oo Amniga Caasimadda lagu xoojinayo la qaatay Maamulka Degmada Howl-Wadaag.
Guddoomiyaha ayaa ka dhageystay Maamulka warbixino kala duwan oo la xiriira amniga iyo dib u dhiska Degmada Howl-wadaag oo haatan ku socoto dar-dar.
Eng Yariisoow ayaa kula dardaarmay maamulka degmada iyo laamaha amniga in la xoojiyo sugida nabadgalyada deegaanka iyo in la horumarinyo isku xirka shacabka iyo hey’adaha ammaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyn kormeeray waddada Ceel Garweyne oo dib-u-dayactir lagu sameeyay. Waxuna ku boggaadiyey bulshada deegaanka howlaha IsxilQaanka ee lagu dhisayo Caasimadda.
Dhanka kale, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa maanta daahfuray tababar ku saabsan Hoggaaminta maxaliga ah (Local leadership Managment training) oo ka faa’iideysan doonaan ilaa 85 ka mid ah hoowlwadeenada Maamullada degmooyinka.
Jilaaga caanka ah, Nana Patekar, oo...

Jilaaga caanka ah ee Bollywood, Nana Patekar ayaa la sheegay in lagu waayay inuu xadgudub galmo ku sameeyay atariisho caan ah. Booliska ayaa Khamiistii sheegay in aan cadeyn ku filan loo hayn eedaha loo jeediyay jilaagan. Patekar waxaa dacweysay Atariishada caanka ah ee Tanushree Dutta. Waxay sheegtay inuu ku xadgudbay sannadkii 2008, xilligaas oo filim ay isla jileen, kaas oo labadoodaba ay xiddigo ka ahaayeen.Patekar ayaa markasta beeninayay eedaha loo jeediyay. Arrintan waxaa dib u soo cusbooneysiiyay ololaha #MeToo, kaas oo Dutta ku qasbay in ay booliska ka dacweyso Patekar oo 68-sano jir ah. Dutta oo 35 sano jir ah ayaa sheegtay in Patekar uu dalbaday in ciyaar labadooda dhexmarto ugu dambeyn lagu daro hees - inkastoo iyadu ay sheegtay in arrintaas aysan ku farxin.Waxay sidoo kale sheegtay inuu u hanjabay markii ay diiday. xilligaas 24-jir ayay ahayd. Patekar ayaa beeniyay eedaas. "Maxay ula jeedaa xadgudub galmo? jilliin baan sameyneynay, 200 oo qofna way na hor fadhiyeen," ayuu yiri mar uu wareysi siinayay telefishinka Mirror Now. Nana Patekar wuxuu jilay in ka badan 70 filim, wuxuuna howshan ku jiray in ka badan 40 sano.
Ugu yaraan laba dumar ah ayaa dacwaddeeda ku taageeray Twitter-ka. Balse booliska waxay sheegeen in aysan hayn caddeyn caawin karta eedaha, sidaa darteedna "aysan sii wadi karin baaritaanka", sida ay baahisay wakaaladda ANI.Dutta, markii ugu horeysay ee arrintan ay ka dacwooto waxay ahayd 10 sano ka hor. Sannadkii 2018-kii, Mar la weydiiyay sababta aysan Bollywood u lahayn ololaha #MeToo, jawaabteeda ayaa si wayn u baahday. "Siduu olole uga billaaban karaa Hindiya illaa aad ka aqbaleyso wixii aniga igu dhacay 10 sano ka hor?" ayey tiri.Waxayna markii ugu horeysay soo jiidatay dareenka dad badan oo ay iskala tirsan yihiin Bollywood. Waxaa ka mid ahaa dumar usoo baxay inay iyadu difaacaan.
Waxay tiri: "Waxay ahayd arrin laga baqo oo yaqyaqsi leh markii uu gacmihiisa ku salaaxay jirkeyga oo dhan".Waxay intaa ku dartay in markii ay masraxa ka tagtay si ay caradeeda u muujiso loogu yeeray magacyo ay ka mid yihiin "qof aan xirfad lahayn, waalan, boqoradda is macneyska iyo boqoradda is xanaajinta".Qareenkeeda waxay sheegtay in ay dacwada u gudbin doonto maxkamadda sare ee Mumbai si baaritaanka dib loogu furo.Tanushree Dutta waxay ahayd gabadhii ugu quruxda badneyd Hindiya, sannadkii 2004-tii.
Kenya ma waxay u baahan doontaa...

Khubaro dhinaca xuduudaha badaha ah oo ku sugan Kenya ayaa dowladda uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ka codsaday inay joojiso habka qallafsan ee ay ula dhaqmeyso Soomaaliya, xilli uu labada waddan u dhaxeeyo muranka salka ku haya xadka badda ee uu mid walba sheeganayo. Kooxdan ayaa mas'uuliyiinta Kenya ugu baaqay inay nidaam diblomaasiyadeed adeegsato, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida biyaha dhinaca galbeed ee badweynta Hindiya.Kulan ay khubaradan yeesheen oo ay Jimcadii Nairobi ku qabatay hay'adda Policy Institute ayaa lagu sheegay in haddii Kenya ay ku guul darreysato kiiska maxkamadda hor yaalla ay noqon doonto waddan aan wax bad ah lahayn, ayna dalalka Soomaaliya iyo Tanzania ka baryi doonto inay usoo fasaxaan maraakiibta ku xiranaya dekedda Mombasa.Aqoonyahannada ka qeyb galay kulankaas ayaa isku raacay in Kenya looga baahan yahay inaysan xirin albaabada wada xaajoodka, maadaama ay taasi muhiim u noqon doonto marka uu dhaco xukunka maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, bisha Sitembar.Khubaradan oo ka kala socday hay'adaha ka howl gala arrimaha badaha ayaa sheegay inuu wali jiro xal loo heli karo muranka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.Waxay tusaale usoo qaateen muranka dhinaca badda ee u dhaxeeyay dalalka Shiinaha iyo Philippines, kaasoo ay maxkamadda ICJ lahaanshihiisa u xukuntay Philippines, balse labada waddan ay markii dambe wada xaajood ku dhammeysteen arrintooda.Kheyraadka shidaalka
Qaban qaabada kulankan ayaa daba socotay falcelintii ay Kenya ka bixisay tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ku suuq geysay kheyraadka shidaalka ee ku jira badda, kaasoo ay ku bandhigtay shir 7-dii bishii Febraayo ka dhacay magaalada London.Kenya ayaa markaas ku eedeysay Soomaaliya in shidaalka ay beecineysay qeyb ka mid ah uu ku jiro xadka badda ee ay labada dal ku muransan yihiin.Bishii lasoo dhaafay, xukuumadda Nairobi ayaa lagu soo warramay inay dalkeeda ka celisay saddex diblomaasi oo Soomaali ah, kuwaasoo ay u diidday Visaha ama dal-ku-gal.Somaaliya ayaa markaas kadib Iyana amar ku siisay dhammaan hay'adaha aan dowliga ahayn ee ka howl gala Kenya ee fuliya howlaha ku saabsan Soomaaliya inay u guuraan magaalada Muqdisho.Isbuucii lasoo dhaafayna, Kenya ayaa xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya ee dhinaca Laamu, kaddib markii ay soo baxeen arrimo amni darro ah.Hase yeeshee, tallaabadaas ayaa si weyn loogu arkay inay ahayd aargoosi ka dhan ah xukuumadda Muqdisho.Kenya miyey ku fududaatay falcelinta qallafsan?
Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay, sidoo kalena ay damaanad qaad u qaadatay taageerada ay siiso.Balse dadka ka faallooda arrimaha diblomaasiyadda ayaa aaminsan in Kenya ay ku "fududaatay" go'aanka ay qaadatay marka la eego xiriirkan taariikhiga ee ka dhaxeeya labada dal."Kenya qalad weyn oo diblomaasiyadeed ayay gashay. Labada dal xiriir weyn oo diblomaasiyadeed ayaa ka dhaxeeya, ciidaan nabad ilaalin ayaa Kenya ka jooga Soomaaliya; inay heerkaasi gaarsiiso arrinta waa Khalad diblomaasiyaadeed. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Ambasadar Ciid Badal oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo meeshii ugu xumeyd gaaray
Maxaa kajira in Kenya iyo Soomaaliya ay ka wada hadlayaan muranka badda?
Ciid Badal ayaa sidoo kale sheegay in qaabka ugu habboon ee arrintan lagu wajihi karay ay aheyd in Kenya ay la fariisato dowladda Soomaaliya, waxaana uu intaa raaciyay in marka la eego dacwadda hor taalla maxakamadda, Soomaaliya lagaga gar helayo haddii ay ku caddaato arrintan ku saabsan suuq geynta shidaalka ku jira biyaha lagu muransan yahay. "Sharci ahaan, Kenya way ku sax sanaan kartaa, sababtoo ah horay ayay Kenya ceelal shidaal oo badda ah u bixixsay. Soomaaliya way ka dacwootay oo maxkamadda caalamiga ayay tagtay, waxayna tiri Kenya waxay kusoo xad-gudubtay baddeenna oo waxay ka baareysaa shidaal, maxakamaddii way dhageysatay oo dacwadii way socotaa, haddaba haddii Soomaaliya ceelashii ay geysay London, sharciyan Kenya way sax sanaan kartaa ". Ayuu raaciyay Ciid Badal.Xiisadda Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertay bilihii lasoo dhaafay, iyadoo hadda xaaladdu u muuqato inay meeshii ugu xumeyd gaartay.Go'aanka maxkamadda caddaaladda ee ICJ ay kasoo saareyso dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inuu soo baxo bisha Sitembar. Haddii ay Kenya ku guul darreysato kiiskaas, waxay waayi doontaa 100 kiilo mitir oo isku wareeg ah oo ka mid ah biyaha hodanka ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee gaaska.
Khilaafka Turkiga iyo Maraykanka ee...

Madaxweynaha Turkiga Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta shaaca ka qaaday in wixi lagu gaaro bilowga bisha soo socota ee July ay filayaan in Turkiga ay soo gaaraan gantaallada S-400 ee ay kasoo iibsadeen Ruushka.
Telefashinka CNN qeybtiisa Af-Turkiga ayaa maanta baahiyay in madaxweyne Erdogan uu xaqiijiyay in gantaalladan oo ah kuwa lidka diyaaradaha ay Ankara heli doono bisha soo socota.
Heshiiska uu Turkiga gantaalladani uga soo iibsanayo Ruushka ayaa khilaaf xoogan ka dhex dhaliyay Turkiga iyo Mareykanka oo xulafo ku ah gaashaanbuurta NATO. Washington ayaa ku hanjabtay in ay cunaqabateyn kusoo rogi doonto Turkiga haddii ay ka dhabeyso heshiiska gantaallada S-400.
Xoghayaha kumeelgaarka ah ee difaaca Mareykanka Patrick Shanahan ayaa horraanti bishaan waqrad uu u diray dowladda Turkiga ugu digay cawaaqib xoog leh haddii ay uga laaban weysay heshiiskaasi ilaa 31-ga bisha July. Waxaa kale oo uu sheegay in ay soo eriyi doonaan duuliyaal Turkish ah oo hadda tababarro la xiriira dhanka duulista diyaaradaha dagaalka ee F-35 u jooga dalkaan Mareykanka.
Turkiga ayaa qorsheynaya inuu Mareykanka ka gato in ka badan 100 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka gaar ahaan nuuca loo yaqaano F-35. Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu heshiiskaasi joojin doono, sababo uu ku sheegay in aysan meel isla gali karin gantaallada difaaca Ruushka ee S-400 iyo diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Wasiir Goodax: Manhajka Dalwadda ha la...

Sida ay faafisay Warbaahinta Dowladda, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa fartay, dugsiyada iyo dalladaha waxbarashada in ay u diyaar garoobaan hirgelinta Manhajka Dowladda ee dugsiyada hoose dhexe, laga billaabo fasalka 1-aad illaa 8-aad. Manhajkan ayey dhawaanahanba dowladdu diyaarintiisa ku howlaneyd.
War-saxaafadeedkan oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare, C/hi Goodax Barre, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo bisha Agoosto ee sannad dugsiyeedkan 2019/2020, ay dhinacyadaasi kor ku xusan waajib ku tahay in ay meel-mariyaan manhajkan, lagana hirgeliyo dugsiyada dalka oo idil.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu ay sameyneyso tababar macallinimo, kormeer iyo dabagal joogta ah oo ay ugu kuurgaleyso cidda dhaqangelineysa manhajka iyo kuwa aan fulineyn.
Wasaaradda ayaa uga digtay dalladaha waxbarashada iyo iskuullada in ay fulinta amarkan iska indho-tiraan. Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in cidii ka gaabsata adeegsiga manjahkan cusub ay wasaaraddu ka qaadi doonto tallaabo sharci ah.
“Rukhsadda ayaa lagala noqon doonaa iskuulkii ka gaabsada fulinta majhankan” ayaa war-saxaafadedka lagu yiri.
Askari Boolis ah oo lagu diley deegaan...
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu diley deegaanka Fiqi Ayuub ee Waqooyiga magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sarkaalkan la diley oo lagu magacaabi jirey Keyse Maxamed Cawaale lagu dilay dhagax halka labo sskari oo kalena la dhaawacay.
Illaa hadda lama garanayo ciddii ka dambeysay dilka sarkaalkan balse deegaanka lagu diley ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin shirkado macdan ka baara deegaanadaas.
Maamulka Gobolka Togdheer iyo weliba maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin dilka sarkaalka Booliska ah iyo dhaawaca labada kale.
Untitled Document
Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624TEL Maraykanka 7127755624 Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.
Email: dayniilewb@gmail.com TEL 00252618895064
Previous articleNin ka mid ahaa Ergadii Doorashada Koonfur Galbeed oo lagu dilay Magaalada AfgooyeNext articleFaahfaahin dheeri ah Qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan K/Galbeed & Khasaaro ka dhashay
Faahfaahin dheeri ah Qaraxyo lala...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed lagula eegtay deegaano ka tirsan gobolka Baay,waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in Gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed qarax miina nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay deegaan duleedka ka ah degmada Khansax-dheere,isla markaana ay ku geeriyoodeen laba askari.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas,waxaana ay sheegeen in qarax labaad ay la eegteen kolonyo u soo gurmatay Ciidamada qaraxa lagula eegtay duleedka degmada Khansax-dheere,isla markaana ay ku dhinteen laba kale oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.
Dadka deegaanka qaraxa uu ka dhacay ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay maqlayeen jugta labada qarax,hayeeshee aysan ilaa iyo hadda weli cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.
Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay iyo maamulka degmada Khansax-dheere weli dhankooda kama hadlin qaraxyadaasi lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee ka dhacay duleedka degmada Khansax-dheere ee Gobolka Baay.
Untitled Document
Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624TEL Maraykanka 7127755624 Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.
Email: dayniilewb@gmail.com TEL 00252618895064
Previous articleAskari Boolis ah oo lagu diley deegaan ka tirsan magaalada Burco
Shir-weynihii Beel-weynta Isaxaaq...

Shir-weynihii Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriiska ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaalada  Birmingham  ee dalkaasi. Shir-weynahan oo ahaa mid mugle oo ay kasoo qayb-galeen, Madax-dhaqameedka, Haldoorka, Dhalinyarada,Haweenka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee Beesha Isaxaaq Carre Ee ku nool Dalka Ingriiska, oo iskaga yimi dhamaan guud ahaan Gobolada iyo magaalooyinka  dalka UK ee ay ku kala nool-yihiin.
Shirkan oo ahaa shir horumarineed oo Beel-weynta Isaxaaq Carre ee ku nool dalkaasi UK kaga arinsanaysay, Midnimada, Isku-duubnaanta iyo danahooda gaarka ee beel ahaaneed sidii ay u hour-marin lahaayeen, uguna midoobi lahaayeen.
Shirkan oo ahaa Shir-weynihii ugu balaadh-naa ee Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku iskugu yimaadaan ayaa waxa ugu horeyn hadalo kooban kasoo jeediyey ,Gudoomiyaha Shir-gudoonka Shirka Haldoor C/laahi Fayr Nuur ,Xogahayha Shir-gudoonka Aniis Macalin Haaruun, Gudoomiyahii Gudidaii qaban-qaabada Maxamed Yuusuf Maakhiri, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac (Xil Xoog) oo kamida Golaha Wakiilada Somaliland,Gudoomiyaha Guud ee Gudida Qurbe-joogta Beesha Isaxaaq Carre Haldoor C/laahi Cismaan,Haldoor C/qaadir Ismaaciil Geele oo kamida Xubnaha Gudida Guud ee Qurbajooga Beesha Isaxaaq Carre
Shirkan ayaa Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku waxa ay taageero mug iyo miisaanle kula garab istaageen shir-weynihii guud ee beeshu horaantii bishii sadexaad ee sanadkan 2019 ku yeelatay Degmada Cadaadley ee Gobolka Maroodi-jeex , iyagoo isla markaasina hambalyo iyo taageero mugle usoo jeediyey Gudida Guud ee Beesha Isaxaaq Carre kusoo dooratay Shirkaasi Cadaadley oo ay tibaaxeen in loo daba-fadhiisan-doono hagida iyo hogaaminta guud ee Beesha inta mudo xileedka la doortay kaga eeg yahay.
Dhinaca kale Shirkan Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku ayaa waxa lagu doortay Gudi shan xubnooda oo ay yeelan doonaan Beelsha Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin
1. Maxamuud Xuseen Ileeye : Gudoomiyaha Gudida Beelsha  Isaxaaq Carre ee dalka UK
2. Maxamed Aw Yuusuf : Xoghayaha Gudida Beelsha  Isaxaaq Carre ee dalka UK
3. C/shakuur Ibraahin: Afhayeenka Gudida Beelsha  Isaxaaq Carre ee dalka UK
4. Ismaaciil C/laahi Daahir: Xidhiidhiye
5. Saleebaan Jaamac: Qasnaji
Shirkan oo mudadii uu socday Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku, kaga arinsatay waxyaabo badan oo muhiim u ah horumarkooda beel ahaaneed ayaa waxa gunaanadkii soo xidhay Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin oo kamida Salaadiinta waa weyn ee beesha isagoo isla markaasina kasoo qayb-galayaashii shirka uga mahadnaqay sida muga iyo miisaanka leh ee ay usoo ajiibeen shirka iyagoo safaro dhaadheer usoo galay imaatinka shirka ugana yimi gobolo iyo magaalooyin aad u kala durugsan .
Suldaan C/raxiin Saxardiid Kaahin ayaa sidoo kale hambalyeeyey Gudida cusub ee Beesha Isaxaaq Carre  ee UK kusoo doortay shirkan isagoo isla markaasina ugu duceeyey in ilaahay ku asturo xilkaas culus ee beeshu u igmatay.
Related
Somali police assault, fire live...

Police officers are seen at the scene of blast at Sayidka Junction following a car bomb on Saturday June 15, 2019. Photo credit/ Said Yusuf Warsame.
MOGADISHU, Somalia, 15 June, 2019 – Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the police assault, firing live ammunition at journalists and denial of access, after a group of journalists went to report following a car bombing at Sayidka Junction near the Parliament Building in Mogadishu on Saturday 15 June, 2019.
At 02.10pm local time, police at the Sayidka checkpoint stopped Al-Jazeera Arabic’s correspondent, Jama Nur Ahmed; Al-Jazeera English, Mohamed Abdihakim Ismail; Reuters Photojournalist and reporter, Feisal Omar; AFP Videographer, Abdirazak Hussein Farah and Sadaq Mohamed Mohamud, Anadolu cameraman as they were trying to reach the site of the car bombing.
When the journalists tried to explain to the police about their reporting mission, a police officer fired two bullets on air and then pointed his rifle on Jama Nur’s head, according to Jama Nur Ahmed and two other colleagues who spoke to Somali Journalists Syndicate (SJS).
The journalists said the police officers told them they had orders restricting journalist coverage at the scenes of attacks and threatened that any journalist who tries to film will either be shot dead or his/her equipment will be broken resulting the journalists to return back from the scene.
“Police informed us that they have orders to deny journalists from accessing the scene and shoot any journalist who films or takes photos during bombings,” Jama Nur Ahmed of Al-Jazeera told SJS “Even, a member of the police fired live bullets at us endangering our lives. Thanks God no journalist was hurt.”
“The police are treating the journalists as criminals. This is not the first time we encounter such a problem. Whenever we go to report places of explosions the police block our access,” Feisal Omar of Reuters told SJS “We cannot report freely.”
Minutes later, a group of other journalists including European Pressphoto Agency (EPA) photographer, Said Yusuf Warsame and Reuters Videographer, Abdirahman Hussein among others were denied access as they tried to reach the blast site.
“Police pointed their guns at us as we approached the Sayidka Junction. We left the place without doing any job,” Said Yusuf Warsame of EPA told SJS.
Somali Journalsits Syndicate (SJS) calls the Ministry of Information, Police Commissioner and the Office of the Prime Minister to open a proper investigation into today’s act of shooting and violence against the journalists and take appropriate steps against those responsible.
SJS condemns the police brutality and obstruction of journalists’ access to information including reaching and reporting from places of important newsy incidents which is a basic constitutional right.
“This is a symptom of a worsening situation against journalists in Somalia where impunity has been prevalent. We call the highest offices of the government including that of the Office of the Prime Minister to intervene in order to for the journalists to report freely and accurately without fear,” Somali Journalists Syndicate (SJS) said.
Related
Somaliland oo facebook Maxkamad la isku...

Nin dhalinyaro ah oo kunool magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa dacwad aan horey nuuceeda loo arag waxa uu kusoo oogayaa Duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Ceydiid Solteelko .
Cabdi Maxamuud Daahir, oo ah ninka dacwada kusoo oogaya Duqa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Maxkamada Hargeysa u gudbinayo Dacwada ka dhan ah Duqa magaalada uu sheegay in uu ka saaray bartiisa Facebooka.
Waxa uu sheegay ninkan in uu qabsaday qareen u dooda, waxa uu xusay in Duqa Hargeysa uusan xaq u laheyn in uu ka saaro bartiisa Facebooka ay saaxiibo ku ahaayeen,waxa uuna xusay in talaabadan ka dhigan tahay isaga oo laga celiyay xafiis dowladeed oo kale.
” Duqa markaynu leenahay maahan qof meel iska jooga, maayar waa qof matala bulshada magaaladaa uu ku noolyahay, baraha bulshada ee uu magaca dadweynaha ku kasbadanay waa wadaag oo waa lawada leeyahay”. Ayuu yiri Cabdi Duco.
Ninkan ayaa sheegay in Duqa magaalada Hargeysa uu bartiisa ka saaray kadib markii uu dhaliil u jeediyay, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in duqa magaalada hadii wax loo sheego uu talaabo ka dhigayo in dadka ka saaro bartiisa bulshada.
Cabdi Maxamuud Daahir (Cabdi Duco) ayaa ku doodaya in uu maxkamadaha maamulka uu ka doonayo in ay kiiskiisa qaadaan, si la mid ah sida dadka facebook-ga waxyaabaha qaar ku qoroba loo ciqaabo.
“Anigu kiiskayga haddii aanay maxkamaduhu siduu yahay u qaadayn majirto sabab ay xeer ciqaabeed ugu qaadi karaan qof facebook-ga wax ku qoray, waana labo isku xidhan”. ayuu yiri ninkan dacwada kusoo oogaya Duqa Hargeysa.
Dacwadan lagu soo ogayo duqa magaalada Hargeysa ayaa noqotay mid aan horey nuuceeda looga arag gayiga Soomaaliya, waxaana dacwadan laga hadal hayaa magaalada Hargeysa ee caasimada u ah maamulka Somaliland.
Related
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo...
Warqad Maanta oo Axad ah kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarshada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa lagu faray ay bahda waxbarshad Dalku qaataan manjahka Cusub ee dhawaan la diyaariyay.
Qoraalka ayaa lagu yiri dhammaan bahwadaagta waxbarshada Dugisyada iyo Dalladaha waa in ay u diyaargaroobaan hirgelinta Manhajka Qaranka ee Fasallada 1-aad illaa 8-aad oo ah manhajka cusub ee Soomaaliya.
Dugsiyada iyo bahda waxbarshada Dalka ayaa la faray in laga billaabo Bisha Agoosto, Sanad Dugsiyeedka 2019/2020-ka ay waajib tahay in la qaato Manhajka Qaranka, kaas oo laga hirgelinayo Dugsiyada Dalka oo idil.
Wasiirka ayaa qoraalkankan kazoo baxay Xafiiskiisa ku sheegay in Wasaaraddu ay samayn doonto tababarro Macallinnimo, kormeer iyo daba gal joogto ah oo ay ugu kuurgalayso cidda fulineysa dhaqan gelinta Manhajkan iyo kuwa aan fulin.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalkan in ciddii ka gaabsata in ay fuliso ay wasaaraddu ka ka qaadi doonto tallaabbo sharci ah oo ay ka mid noqon karto in lagala laabto aqoonsiga, Dugsigii meel marin waayo go’aankan.Halkan ka aqriso:
Previous articleSomali Foreign Minister discusses cooperation with Chinese ambassador
"Naasaha baan iska jaray si aan...

Markii ay 23 jirka ahayd ayey ogaatay in boqolkiiba 85 ay halis ugu jirto kansarka naasaha ku dhaca. Sababtu waxay tahay in jirkeeda uu ku jiray hidde-side loo garanayo BRCA1, kaas oo ka dhasha kansar ku dhaca halkii qof ee ka mid ah 300 illaa 400 oo qof.
"Aabahey hooyadii, waxay u dhimatay kansarka naasaha. Xilligaa aabe wuxuu ahaa sideed sano jir"."Waxaan koray anigoo arrintaa og, balse fikrad kama haysan in la iska dhaxlo illaa eedadeey uu ku dhacay kansarka naasaha, sannadkii 2013-kii"."Si xasillooni dhanka maskaxda ah aan u helo, waxaan go'aansaday in baaritaan la igu sameeyo si aan u arko isbedelka hide-sidaha BRCA. In ay shalay ahayd bay ila tahay, anigoo fadhiya cisbitaalka oo walwalsan, hooyo iyo aabe na ay ila socdeen. Waxaan sugeynay natiijada"."Markii dhaqtarka ay soo baxday, waxayna geysay xafiiskeeda, waan ogaa in war fiican aysan sidin. Halkaas ayaan go'aan ku gaaray, waxaanna doonayay in naasaha la iga jaro (taa oo dhaqaatiirtu ku tilmaameen laba qalliin oo ka hor tag ah)"."Waxaan lahaa naaso waaweyn, waana dhab, waxay astaan u ahaayeen inaan dumar ahay, waana jeclaa. Waa iska naaso, waana ogaa in nolosheyda ay badbaadeyso haddii aan iska gooyo.""Maskaxdeyda waxaa markasta ku jirtay inaan nolol hore isaga jiro oo caruurteyda aan nuujiyo, halkii aan caruurtayda dhigi lahaa hooyo la'aan"."Ka dib fikir badan iyo ballamo cisbitaal oo aanan tagin, ugu dambeyn waxaan go'aansaday in laba qalliin la igu sameeyo, 13 February 2019, xilligaas oo aan 27-jir ahaa.""In kastoo dadka ay si joogto ah ii weydiinayeen inaan ka baqayo qalliinka, aniga caadi ayaan iska ahaa illaa aan hooyo iyo aabe dhunkaday oo aan ku iri macsalaama, ka dibna sii aaday qolka qalliinka. Waan jareynayay, waxaanna billaabay inaan ooyo. Si la ii dejiyo, dhaqtarka wuxuu isiiyay dawada hurdada. Dhab ahaantii, wuu ku mahadsan yahay in aan hurdo."
BRCA: XaqiiqadaDhammaanteen waan leenahay hidda-sidayaasha BRCA1 iyo BRCA2, waxaanna ka dhaxalnaa waalidiinteena
Shaqada hidaha waa hagaajinta DNA-ga iyo unugyada dhiigga
Haddii ay qaldamaan ama isbedelaan, halis badan ayaad ugu jirtaa inuu kugu dhaco kansarka naasaha ama ugxaanta jirka.
Sababtu waxay tahay in hidde-sidaha uusan daweyn karin unug xanuunsan, kaas oo sababi kara burooyiin.
Qiyaastii, hal qof oo ka mid ah 300 illaa 400 oo qof ayaa qaba hidde-sidaha BRCA oo halis ah
Halista ugu badan waxaa wajahaya qabiilka Yuhuudda ee loo garanayo Ashkenazi. Waxa uu ku dhacaa mid ka mid ah 40-kii qofba
Haddii kansar halis ah uu ka dhasha isbedelka hidaha BRCA1, waxaa suuragal ah in caruurtaada uu u gudbo
BRCA ma ahan hidde-sidaha keli ah ee halista kansarka sababa
Xigasho: NHS iyo The Eve Appeal
"Labadii maalmood ee ugu horreeyay ee qalliinka ka dib, waa kuwii iigu xumaa: Hooyo ayaa wax kasta ii sameyneysay, sida in ay dharka iga badasho, i seexiso ama i toosiso - ceebbey ila ahayd"."Balse ugu dambeyn, aniga baa wax kasta sameysanayay. Laba isbuuc ayaan kaniin xanuun baabi'iye ah isticmaalayay. Naaso qurux badan ayaan yeeshay! cabsideydu waxay ahayd in ay aad u yaraadeen. Laba wareeg oo isla eg ayaan yeeshay oo ku wareegsanaa ibta. Mararka qaar waan ilaawayay in qalliin la igu sameeyay"."Waxaan dareemayaa in la qabtay shaqo nolosheyda lagu badbaadiyay".
"Waxaan saaxiib la ahay dumar kale oo 27 illaa 40 ay da'dooda u dhexeyso oo halis ugu jira kansarka naasaha." "Qaar ka mid ah caruur bay leeyihiin, qaarna weli caruur maysan dhalin. Kuwa kale saaxiibbo bay leeyihiin, kuwana malahan. Waxaan u sheegaa in cabsidii ay iga yaraatay".
Intabadan Qaraxyada ka dhaco magaalada...

Dadka Soomaliyeed ayaa intooda badan waxay Shaki ka muu jiyeen sida Gawaarida Qaraxyada uga soo gudboon bara Koontaroolada Yaalo wadooyika laga soo galo Magalada kuwaa inta badan loo diido in ay Baabuur ka gudbo marka laga reebo qof wato kaarka aqoonsiga Dowlada
Taa waxay cadeen u tahay in Gaarigaa qarax xanbaarsan soo gudiyaan masuuliyiin ka tirsan Dowlada oo si hoose ula shaqeeyo xoogaga Alshabaab
Dhacdadii ugu yaabka badneed ayaa tii dhow bil ka hor lagu qarxiyey degmada Wardhiigley kaa uu fudeen tiisa ka qaatay masuul ka tirsanaa maamulka gedmadaas
Maalmo kadib waxaa lagu helay inuu qaraxaas ka dambeeyey madaxa Maaliyadda ee Degmada Warta Nabadda Maxamed Dheere oo taleefoonkiisa laga dhageystay isagoo oo Al-Shabaab la shaqeenayo.
Ciidamada Alpha Group ayaa weerar qorsheysan ku qaaday gurigiisa, madaxa madaxa maaliya degmadaasi iyadoona lasoo xiray isaga, Xaaskiisa iyo dad kale oo guriga kula noolaa.
Baaritaan dheer kadib iyo caddeymo la hor dhigay Maxamed Dheere ayaa qirtay inuu isaga ka dambeeyey qaraxaas isla markaasna uu Al-Shabaab u fududeeyey.
Maxamed Dheere ayaa la ogaaday inuu Koontaroolada Ciidamada Dowladda ee Degmada Wardhiigley kasoo gudbiyey gaarigaan isla markaasna uu lacag siiyey askari ka tirsan Dowladda si uu usoo fasaxo Baabuurka qaraxa siday.
Maxamed Dheere ayaa gaarigaan kasoo galay Dhanka Tookiyo, wuxuuna ahaa ninkii hagayey, Sidoo kale cadaadis badan oo la saaray kadib ayuu sheegay inuu jiro gaari kale oo qarax lagu diyaariyey oo yaalo gurigiisa.
Waxaana mar kale Gaaray Gurigiisa ciidamada sida qaaska ugu tuqusutay fur furida Qaraxyaa halkaana ku fur furay Gaarigii Qaraxa ka buuxay
Arimahaas oo is biirsday iyo kuwa kale ayaa muujinayo in ay jiraan dad Dowlada l u shaqeeyo oo hadana maleego wax walboo Dowlada lagu fashiliy
Untitled Document
Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624TEL Maraykanka 7127755624 Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.
Email: dayniilewb@gmail.com TEL 00252618895064
Meydka Wiil Dhalinyaro ah oo lagu arkay...

Dadka ku nool Xaafada Sarkuusta oo u dhow Ex-Koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ay arkeen Meydka Wiil dhalinyaro ah oo six un loo jirdilay inta aan la dilin ka hor,isla markaana la soo dhigay meel ka mid ah xaafadaas.
Wiilka yar ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in qoorta uu xarig ugu xirnaa,sidoo kale wajiga looga xiray cimaamad,isla markaana uu ahaa meyd waqti kooban yaallay Goobta.
“Saakay markii aan soo kacnay ayaan aragnay Meydka Wiil yar oo qoorta xariga uga xiran yahay cimaamadna wajiga looga xiray,dhib kale kuma arag mana naqaano cida dishay oo meesha soo dhigtay ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada sarkuusta oo goobta tegay.
Ilaa iyo hadda weli lama oga cida dishay Wiilkaasi yar ee meesha soo dhigtay,waxaana aad uga naxay dadka ku nool Xaafada Sarkuusta,waxaana wararku sheegayaan in loo soo qaaday dhinaca hay’adda Dambi barista ee CID-da.
Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwa inta badan ka dhaca Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay meydka Wiilka yar ee saakay la soo dhigay Xaafada Sarkuusta ee Magalada Muqdisho.
Untitled Document
Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624TEL Maraykanka 7127755624 Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.
Email: dayniilewb@gmail.com TEL 00252618895064