Latest Videos

Cumar al-Bashir oo muddo kadib...
Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Omar al-Bashir ayaa markii ugu horreysay shaashadaha ka soo muuqday tan iyo intii xilka laga tuuray bishii April.Mr Bashir ayaa laga soo saaray xabsi ku yaalla magaala madaxda dalkaasi ee Khartoum ka hor inta aan la geyn xafiiska dacwad oogaha, halkaas oo lagu akhriyay dambiyada isaga ka dhanka ahaa.75 jirkan oo ay ku hareeraysnaayeen ciidamada aminga ayaa waxaa uu ku labisnaa dharka dhaqanka ee dalkaasi.Mr Bashir ayaa xilka iska casilay kadib markii Sudan ay hareeyeen dibadbaxyo bilooyin socday. Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in lacago qalaad oo aad u badan gurigiisa laga helay, kadib markii uu talada dalkaasi iska casilay taas oo soo afjartay ku dhawaad 30-kii sano ee uu Sudan xukumayay.Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheetay in markii Omar al-Bashir loo sii waday xafiiska dacwad oogaha uu qoslayay lana sheekaysanayay ciidamada ilaalada, laakinse daqiiqado kadib markii la soo celiyay waxaa wajigiisa ka muuqatay caro.Mr Bashir ayaa sidoo kale waxaa laga doonayay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, isagoo ku eedeysanaa dambiyo ka dhan bini'aadanimada ee uu ka geeystay gobolka Darfur ee Sudan, inkastoo uu iska fogeeyay eedeymahaasi.Madaxda hor boodaya dibadbaxyada Sudan oo sheegay inay sii tubnaanayaan xarumaha milatriga
Wadahadaladii Sudan oo dib u bilaabmaya iyo shaqa joojintii oo la soo afjaray

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhanka kale Mohamed Hamdan "Hemeti" Dagolo oo ah ku xigeenka golaha milatariga Sudan ayaa ballan qaaday in uu dacwad lala tiigsan doono dadkii ka dambeeyay hawl galkii ugu dambeeyay ee Sudan, kaas oo la sheegay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 100 qof.
Ninkan oo ay ugu yeeraan Hemedti ayaa si geesinimo leh ula hadlay hogaamiyaasha bulshada. Waxa uuna gaashaanka u daruuray eedeeymaha ah in ciidamadiisa ay khalad galeen bishan intii ay socdeen dibadbaxayada isagoona ballan qaaday haddii askari ka tirsan ciidamadiisa lagu helo dambi ka dhan ah dibedbaxyaasha amaba guud ahaan shacabka reer Sudan sharciga lala tiigsan doono.Balse dad badan oo goob joogeyaal ah ayaa askartiisa ku eedeynaya in ay abuureen khalalaase baahsan.Kooxaha dibedbaxayaasha ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo baaritaanno madax-banaan, badelkii ay baaritaan sameyn lahaayeen dadka la soo eedeeyay qudhooda.Mohamed Hamdan oo ah taliye ku xigeenka golaha milatriga maamula dalka Sudan oo ka hadlayay hoolka xorriyadda ee Magaalada Khartoum ayaa marbadan joojinyay khudbadiisa oo waxaa ka soo dhex galayay qeeylada dadkii ku sugnaa gudaha hoolka.Dhanka kale nolasha magaalaga Khartoum ayaa haatan u muuqata in ay soo wanaagsanaanayso, inkastoo dhagxaantii loo adeegsanayay jid-gooyooyinka ay weli daadsan yihiin hareeraha waddooyinka magaalada.Milicsiga taariikhda Al-Bashiir
Dagaalkii Carabta iyo Israel dhex maray 1973-kii wuxu la dagaal galay ciidanka Masar
Af-gembi Islaamiyiintu taageerayeen ayuu talada Sudan ku qabsaday 1989
Magan gelyo ayuu siiyey hogaamiyihii Al-Qaacida Usaama Bin Laadin 1990-maadkii
Wuxu noqday madaxweynihii u horeeyey ee maxkamadda ICC waaran qabasho ah uu jarto, laakiin wuu beeniyaa eedaha ah inuu dambiyo dagaal ka falay Darfur.
Wuxu heshiis nabadeed la galay fallaagadii koonfurta 2005-tii
Wuxu meel mariyey go'itaankii Koonfurta ee 2011-kii taas oo keentay in Sudan weydo afar meeloodow saddex dhaqaalihii saliidda.
Abriil 2019 waxa af-gembiyey milatariga
Wax badan lagama yaqaan noloshiisa gaarka ah. Ubad na muu dhalin
Sarri oo Laga Dhigay Macallinka Juventus

Kooxda Juventus ayaa maanta ku dhawaaqday in ay macallinki hore ee kooxaha Chelsea iyo Napoli Maurizio Sarri ay u magacwday tabaraheeda saddexda sano ee soo socota.
Sarri ayaa Sabtidi kasoo tagay Chelsea oo uu soo leyliyay hal xilli ciyaareed, kaddib marki uu bishi hore u soo qaaday koobka Europa League.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegay in si ay Juventus u hesho Sarri ay Chelsea siisay lacag dhan shan milyan oo pounds. Maanta ayuu saxiixay qandaraas saddex sana ah.Shaqada u taalo Sarri oo caan ku ah kubadaha quran ayaa ah, inuu halkeeda kasii amba-qaado guulaha Juve iyo inuu kooxda u qaado Koobka Kooxaha Yurub.Macallinkan sigaar cabidda badan ayaa baddalay tababarihi hore ee Juventus Massimiliano Allegri oo sheegay inuu ciyaaraha ka nasan doono muddo sannad ah.
"Aabahay oo kufsi joogto ah ii...

Eve Ensler, oo ah gabadh riwaadaha qorta oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa caan baxday sanadihii 1990-meeyadii, markii ay qisadeeda naxdinta leh uga sheekeysay barnaamij dumarka lagu taageero.Barnaamijka qisadeeda soo bandhigay ayaa diiradda lagu saaraa sheekooyinka ku saabsan tacaddiyada dhinaca galmada ee dumarka, waxaana la gaarsiiyay inkabadan 140 waddan.Meel kasta oo uu Barnaamijkaas gaaro, wuxuu kasoo gudbiyaa sheekooyin dadka ka qosliya kana oohiya.Shaqadii ugu dambeysay ee ay Ensler qabatay waa mid sidoo kale naxdin leh, balse ka duwan tan tacaddiga ah.Waxay qortay buug ay ka dhigeysay sidii inuu yahay warqad uu aabaheed usoo diray, taasoo uu uga raalli galinayo tacaddiyadii kufsiga iyo garaacista ahaa ee uu u geystay markii ay yareyd.Waxay haweeneydan sheegtay in uu aabaheed xadgudubyo galmo u geysan jiray laga soo billaabo markii ay da'deedu ahayd 5 sano.Markii dambena wuxuu ugu daray inuu jir ahaan u waxyeelleeyo, oo uu si joogto ah ugu gacan qaado.Waligiis ma uusan u muujinin inuu ka xun yahay waxa dhacay, iyadoo sanado badan ay kasoo wareegteen dhimashadiisanana, Ensler ayaa go'aansatay inay raalli galintaas sameyso iyadoo wakiil ka ah aabaheed.Gabadhan qoraaga ah, oo sidoo kale u doodda xuquuqda haweenka, ayaa BBC-da uga sheekeysay saameyntii kasoo gaartay tacaddiyada uu u geysan jiray Aabaheed.
Sidey xaaladdaadu ahayd tacaddiga ka hor?Waxaan xasuustaa inaan aad u faraxsanaan jiray. Waxaa kale oo aan xasuustaa inaan aad u jeclaa aabahay.Sidey arrintaas isku baddashay?Waxay ila tahay in Jacaylka aabahay xaggiisa aan ka heystay uu ahaa mid aan xaqiiq ku saleysneyn. Markii ugu horreysay ee ay arrintu billaabaneysayna, ma aanan fahmeynin sida ay wax u socdeen. Laakiin waan dareemayay inay wax khaldanaayeen.Jirkeyga ayey wax ku dhacayeen, aniguna ma dooraneynin inay waxaas dhacaan. Qofka sidaas sameynayayna wuxuu ahaa Aabahay, oo aan ugu jeclaa dadka dunida ku nool.Siduu tacaddiga u socday, waxaan ugu dambeyn ogaaday in waxani uu yahay wax aanan u baahneyn.Waxay dhibaatadii ugu weyneyd istaagtay markii aan habeen ka mid ah habeennada go'aansaday inaan isbaddal sameeyo. Waxaan iskaga dhigay inaan dhintay.Markaas ayaa ugu dambeysay inuu tacaddi kufsi ah ii geysto, waxaana ahaa 10 jir.Hase yeeshee wuxuu sii wadat tacaddigii garaacista ahaa.
Waxaad sheegtay in dhibka uu aabahaa kugu hayay uu qof walba oo qoyskaaga ka tirsan u caddaa. Laakiin miyey ogaayeen waxa uu kugu sameyn jiray?Walaashey iyo walaalkey ma aysan ka warqabin waxba. Balse Ma garanayo waxa ay hooyadey ogeyd. Markii aan weydiiyay sannado kaddib, waxay ii sheegtay inay ka warqabtay tacaddiga garaacista ah.
Sideed dareentay markii uu aabahaa dhintay?Waxay ahayd arrin adag, sababtoo ah aabahay muddo ayuu xanuunsanaa, kahor inta uusan geeriyoonin. Wuxuu qabay kansarka ku dhaca sambabada.Laakiin waligeed ma dhicin in isaga ama hooyaday ay ii sheegaan inuu dhimanayo.Maalmo kaddib markii uu geeriyooday la isoo wacay, oo la ii sheegay dhimashadiisa, mana helin fursad aan ku macsalaameeyo.Haddaan u soo laabto su'aashii ahayd 'sideed dareentay dhimashadiisa kaddib'?Wax aan dareemay ma jirin.
Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan la qaatay guddiga loo xil-saaray dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta dalka oo maraya wajigiisii afaraad (SMP4).
Shirka oo looga hadlay dardar-gelinta dadaallada loogu jiro cafinta daynta lagu leeyahay dalka ayaa guddigu waxa ay Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigeen tallaabooyinka ay qaadeen, natiijooyinkii kasoo baxay kulamadii ay yeesheen guddigu iyo qorshahooda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray guddiga dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta in ay laba jibbaaraan dadaallada ayna ku taagnaadaan qorshaha dalka daynta looga cafinayo si loogu diyaar garoobo horumar ballaaran oo Soomaaliya ay kuy tillaabsato.
Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay ayaa ku guulaysatay dhammaan shuruudihii la hor dhigay, waxaana hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dhammaan dhinacyada dalka daynta ku leh ay ku ammaaneen hoggaanka dalka sida ay uga go’antahay in dalka daynta laga nadiifiyo.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo looga hadlay horumarinta dhqaalaha dalka iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.
Untitled Document
Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624TEL Maraykanka 7127755624 Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.
Email: dayniilewb@gmail.com TEL 00252618895064
Previous articleFaahfaahin dheeri ah Qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan K/Galbeed & Khasaaro ka dhashayNext articleDowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay xanuunka Eboola
Dowladda Soomaaliya oo War kasoo...
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Xanuunka Ebola oo la sheegay in uu ka dilaacay dalka Uganda oo Soomaaliya ay ka jooggaan Ciidamo.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka.
Untitled Document
Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624TEL Maraykanka 7127755624 Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.
Email: dayniilewb@gmail.com TEL 00252618895064
Previous articleRa’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay guddiga dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta dalka
Sayf Cali Khan muhiim ayey u tahay inuu...

Saif Ali Khan waxaa lagu qeexay inuu yahay jilaaga 4-aad ee dhaqaalaha ugu badan ka sameeya jilista filimada Bollywood-ka, marka laga soot ago Aamir Khan, Shah Rukh Khan, iyo Salman Khan. Aabihiis waxaa lagu magacaabaa Mansoor Ali Khan Pataudi, wuxuuna ahaa kabtankii hore ee xulka qaranka ciyaaraha Cricket-ka ee dalka Hindiya.Hadda waxa uu Khan ku sugan yahay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska, halkaasoo ay ka dhaceyso ciyaarta xiisaha badan ee Cricket-ka, oo ay ku wada kulmi doonaan kooxaha kasoo kala jeeda waddamada cadowga isku ah ee Hindiya iyo Pakistan.Isbarbar dhigga awoodda Hindiya iyo Pakistan
Pakistan iyo Hindiya : Modi ma waxa uu isu muujinayaa nin xoog badan?
Waxa uu ka mid yahay kumannaan taageerayaasha Hindiya ah oo halkaas u tagay si ay u dhiirri galiyaan xulka qaranka.Isaga waxay u leedahay xiiso gaar ah, maadaama uu aabihiis muddo dheer kabtan u ahaa kooxda Hibdiya, oo lagu yaqaanno inay ka mid yihiin xulalka ugu adage e ciyaaraha Cricket-ka."Waligeedka tartanka labada kooxood wuxuu ahaa mid aad u xiiso badan, mar walbana ciyaartoodu waa mid weyn, anigana waxaan aaminsanahay in tani ay tahay ciyaarta Cricket-ka ee ugu weyn caalamka", ayuu yidhi Sayf, mar uu saxaafadda kula hadlayay magaalada London.Waxa uu ciyaartoyda iyo taageerayaashaba ugu baaqay inay ciyaarta ku wajahaan xushmad iyo dadaal dhammeystiran.
Dhinaca kale, Ra'iisul wasaaraha hadda talada haya ee dalka Pakistan Cimraan Khan ayaa horay u ahaa xiddigga xulka qaranka ciyaaraha Cricket-ka ee Pakistan, waxa uuna kooxdiisa hoggaaminayay markii ay ku guuleysanayeen koobka adduunka ee tartankan, kaasoo ay markaas kaliya ay qaadeen.Hindiya iyo Pakistan ayaa lagu yaqaannaa inay col ku yihiin dhinaca Diblomaasiyadda, ciyaarta dhex mareysa labadooda kooxood ayaana xiiso gaar ah u leh dunida.Labada dal ayaa horay u dagaallamay, waxayna xiisaddooda salka ku heysaa muranka lahaandhaha gobolka Kashmiir, oo mid waliba uu milkiyaddiisa sheeganayo.
Wasaarada Caafimadka oo ka digtay...
[war kale ma leh]
VIDEO Xukuumada somaliya iyo...

[embedded content]
Xilli Golaha shacabka Ay Dhawaan Gudi U Xilsaareen So Baarida Xaalaadihii Iyo  Xasuuqii Ba Naa Ee Shacab Aan Waxba Galabsan Loogu Geestay Magaalada Gaal Kacyo Ayaa Waxaa Arintaasi Soo Dhaweeyay Xidhibaano Waziir Kuxugeen Katirsan Xukuumada Soomaaliya
Maxamad Siciid Cabdulaahi Waziir Kuxigeenka Wazaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Iyo Xidhibaan C/laahi Sh Ismaaciil Oo Wareesi Gaar Ah Siiyay Tvga Bulsho Ayaa Shaaciyay In Ay Soo Dhaweenayaan Gudiga Isku Dhafka Ah Ee Loo Magacaabay In Aadaan Gaalkacyo
Waziir Maxamad Siciid Cabdulaahi Ayaa Ugu Horeen Baaq Iyo Dar  Daaran Udiray Gudigii Loo Xilsaaray Arinta Ka Dhacday Magaalada Gaal Kacyo Isagoo Geesta Kale Xusay In Uu Aad Uga Xunyahay Sida Ay Wax Udhaceen Tacsina Udiray Ehelada Dadkii La Laayay
Xidhibaan Cabdulaahi Sh Ismaaciil Ayaa Isna Dhankiisa Ka Hadlay Soo Dhaweenta Gudiga Iyo Dilalkii Loo Geestay Shacab Ah Oo Kunoolaa Magaalada Gaal Kacyo Ee Gobolka Mudug
Related
Previous articleWasaarada Caafimadka oo ka digtay Cudurka Eboola
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo sheegtay...
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo ka Jawaab celineysa dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xannuunka Ebola ee laga helay dalka Yugaandha.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco Cudurka Eboola oo kiis ka mid ah laga helay Dalka Yugaandha.              Waxayna Wasaaradda soo saartay Warmurtiyeedkan:-
Previous articleMaamulka Gobolka Banaadir oo xoojinaya isku xirka Bulshada iyo Hay’adaha amniga+Sawirro.
Meherad Cusub oo Lagu iibin Doono...
[war kale ma leh]Meherad Cusub oo Lagu iibin Doono Cuntadda Itoobiyaanka ayaa Laga Furay Hargaysa.
Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho oo Batay

Waxaa korodhay tirada dadka ku dhintay iyo kuw aku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdishu. Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay weli su’aalo weydiinayaan nin lagu eedeeyey inuu la socday baabuurka labaad ee ku qarxay agagaarka Lambar 4 oo dhaawac soo gaadhay.
Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Aaway Lacagtii Sool iyo Sanaag?

Intii burburka uu dhacay dalka
Soomaaliya kama jirin dawlad u fidisa shacabka adeegyada aas-aasiga ah, balse
waxaa meeshii yimid maamulo kuwaas oo dhaqaalaha ay wax ku kalla wadaan
badankeeda ka hella lacagaha ay sadaqada u bixiyaan beesha Caalamka.
Hadaba, dhulkii la isku oran jiray Soomaaliland
waxa uu ka kooban yahay shan gobol oo kalla ah Sool, Awdal, Togdheer, Sanaag
iyo Waqooyi Galbeed. Waxaa magacii bililaqeeystay SNMta taas oo dhaqaalihii
adduunka uu ugu talagalay shantaa gobolna ka dhaadhiciyey Beesha Caalamka in
iyaga la soo mariyo wixii lacag ah ee loogu talagalay goboladaas.
 Lacagaha faraha badan ee loogu talagalay shanta gobol ayaa SNMta waxeey u adeegsadeen si qaldan, waxaana dadka qaadimka u ah iyaga ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ay u tuuraan xoogaa yar, waxaana dhulkoodii lagu qabsaday lacagtii ay qeeybta u lahaayeen.
Lacagaha ku yimid shantaa gobol waa
kuwo kor u dhaafaya boqolaal milyan oo doolar, hadaba, inta la ogyahay ama lagu
arki karo meelaha waa kuwo aad u yar, waxaana badan inta ka soo gashay wadamo
badan kuwaas oo ay adag tahay in la ogaado maadaama aysan jirin meel lagu soo
ururiyey lacagaha la siiyey shantaa gobol.
Gobolada Sool iyo Sanaag lacagta la gelliyo waa mid aad u yar, inta badana, waxeey lacagtaa gashaa dhulka ay SNMta degto. Tusaale, mashaariicda loo yaqaano JPLG waxaa ka faa’iideeysta Berbera, Hargeeysa, Boorama, Burco, Gabileey, Oodweeyne iyo Sheikh.
Hadaba, macluumaadka aan ka soo
ururinay inta aan ka gaarnay oo ku saabsan lacagaha loogu talagalay shantaa
gobol ayaa ahaa:
Sanadkii 2013 iyo 2014ka waxaa hay’adda USAID ay ku
maalgelisay shanta goboI ee la isku oran jiray Soomaaliland lacag dhan
labbaatan iyo toddobo  milyan oo doolar
USD $27,000,000;
October 2018ka waxeey dawladda Kanada (Canada) bixisay toban
milyan oo doolar USD $ 10, 000, 000 taas oo loogu talagalay arrimaha
horumarinta;
Midoowga Yurub, dalka Iswiidhen iyo Ingiriiska waxeey
bixiyeen bishii April 2019ka lacag dhan 19 million oo Euro taas oo u dhiganta
lacag dhan kow iyo labaatan milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar USD 21, 500,
000;
Sida laga soo xigtay Internation Contact Group, sanadkii 2002dii
waxaa loogu deeqay  oo soo galay shantaas
gobol lacag dhan afartan iyo seddex milyan oo doolar USD $43,000,000 oo ka
kalla timid meelo kalla duwan;
Dawladda Ingiriiska ayaa waxeey ugu talagashay mashruuc
socon doona muddo shan sanno, 2017ka illaa iyo 2022ka kaas oo ay ku bixi doonto
lacag dhan $30,000,000 soddon milyan oo doolar. Lacagta ayaa loogu talagaley
wax ka qabashada adeegyada aas-aasiga ah iyo tayeenta maamulka;
Waxaa Ingriiska uu ugu deeqay  Shanta gobol ee la isku oran jiray Soomaaliland
lacag dhan 25,000,000 oo Geniga Ingiriska ah, taas oo u dhiganta lacag dhan 32,
000, 000 sodon iyo labbo milyan oo doolar, lacagtaas ayaa gebi ahaanteedba la
isticmaalay. Hawshaas ayaa soo socotay sanadihii 2012ka illaa iyo December
2018ka, taas oo ah muddo lix sanno ah;
Mashruuc kalle oo loogu tallagalay shanata gobol ayaa ah mid
wax looga qabanayo arrimaha ku saabsan quwadda Korantada iyo sidii meelo kalla
duwan looga soo saari lahaa quwadaas. Mashruucaas wuxuu billoowday bishii Juun
2014ka, waxa uuna dhamaanayaa Septeember 2021ka, lacagta ku baxeeeysa mashruucan
ayaa ah £20,682,007 oo ah Geniga Ingiriiska, labbaatan milyan lix boqol
siddeetan iyo labba kun.
Mashruuca kalle ee 5 gobol loogu tallagalay ayaa ah mid kor
loogu qaadayo amniga iyo hay’adaha cadaaladda. Mashruucaas waxaa la soo
billaabay April 2017ka, waxa uuna dhammaaday March 2019ka lacagta ku baxday
ayaa aheed £6,885,000 lix milyan siddeed boqol sideetan iyo shan kun oo ah
Geniga Ingiriiska;
Dawladda Jarmalka waxeey ku deeqday lacag dhan EUR 1600,000
hal milyan iyo lix boqol oo kun oo Yuuro taas oo loogu talagalay dadku ay
abaaruhu saameeyeen sanadkii 2017ka;
Sidoo kalle, dawladda Jarmalka dadka abaaruhu ay saameeyeen waxeey
ugu deeqday lacag dhan hal milyan oo Yuuro EUR 1,000,000 sandkii 2018ka;
European Commision ayaa bixiyey lacag dhan afar milyan oo
Yuuro EUR 4,000,000, 2017ka illaa iyo 2019ka. Lacagaha ayaa loogu talagalay
dadka abaaraha ka soo barakacay.
Arrimaha doorashooyinka 2009 illaa iyo 2013ka taas oo inta
badan ay qabsadaan SNMta, balse lacagta lagu soo qaatay ay tahay shanta gobol
ayaa waxaa ku baxay lacag dhan £3,377,147 oo ah Geniga Ingiriiska seddex milyan
seddex boqol toddobaatan iyo toddoba kun.
Midowga Yurub wuxuu ku deeqay lacag dhan $14,600,000 afar
milyan iyo lix boqol oo kun oo doolar taas oo loogu talagalay arrimaha
waxbarashada;
Hadaba, SNMta waxeey sameeysteen sanduuq ay ugu yeereen
Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxaadna ku arki kartaa mashaariicda lagu soo
daabacay bogaas ee la fuliyey in inta badan wax loogu qabtay SNMta meelaha ay
degaan  sida aad ka arki kartaan lifaaqa
hoose:
https://www.somalilanddevelopmentfund.org/projects-overview
Waxaa wax yar afka loo mariyey meelaha aysan degjn dadka aan
Isaaq aheen, inta badana waa mid ay iyagu wax ku qabsadeen. Lacagtaadii oo nin
kalle uu iska isticmaalayo ayaa ah wax laga xummaado.
Sool iyo Sanaag
Arrimaha caafimaadka ee gobolka Sanaag waxaa la gelliyey
lacag Ceerigaabo iyo Laascaanood oo kalliya, waxaana ku baxday sida ay sheegeen
lacag dhan  shan milyan toddobo boqol
lixdan iyo lix kun oo doolar $ 5,766,661,
Laascaanood inta gashay waxaa dhici karta ineeysan ka badneen boqol kun oo
doolar;
https://www.somalilanddevelopmentfund.org/images/docs/Project_descriptio...
Sool iyo Sanaag
Arrimaha waxbarashada gobolka Sanaag iyo Sool waxaa wax laga
qabtay oo kalliya Sanaag (Dayaxa) iyo Laascaanood, lacagta loo isticmaalayna
waa afar milyan sagaal boqol toddobaatan iyo kow kun oo doolar $ 4,971,709.
https://www.somalilanddevelopmentfund.org/images/docs/Project_descriptio...
Sool iyo Sanaag
Arrimaha kalluumeeysiga waxaa wax looga qabtay lacag dhan
hal milyan toddobo boqol soddon iyo toddobo kun oo doolar USD $ 1,737,464   taas oo
gashay Berbera iyo Maydh oo ah Sanaag;
https://www.somalilanddevelopmentfund.org/images/docs/Project_descriptio...
Waxaa wax lagu qosla ah in Faysal Cali Waraabe uu maalin dhaweed lahaa Dhakool oo iyaga u xiran ayaa lagu biilayey lacag laga soo ururiyey islaamaha suuqa wax ku iibsada, meesha ay Faysal Cali Waraabe iyo SNMta kalle ay ka najaxeen lacagtii gobolada Sool iyo Sanaag. Faysal halla weeydiiyo meesha ay aaday boqolaalka milyan ee doolar ee gobolada Sool iyo Sanaag ay xaqa u lahaayeen, mana ahan in dadka la majarahabaabiyo, iyadoo laga dhigayo in dadka degan gobolada Sool iyo Sanaag ay yihiin kuwo ku nool caanshuurta yar ee laga soo ururiyo afarta islaamood ee suuqa Hargeeysa ku ganacasada.
Hadaba, lacagaha lagu soo qaatay magaca Soomaaliland ee ka kooban shanta gobol waa mid u baahan ineey dadka degan gobolada Sool iyo Sanaag ay tahay in ay ku baraarugaan, waana in la isku dayaa in aan lacag dambe u soo marin goboladaas magaalada Hargeeysa, waana in xiriir lala sammeeyaa dawladda federaalka oo ah albaabka ay lacagta soo marto iyo Beesha Caalamka oo iyadu ah midda Muqdisho soo marisa. Sidee ku dhacday in shaqsi kula mid ah uu 30 sanno ku dhawaad uu iska isticmaalo lacagtii aad xaqa u laheed, adiga oo adba xaqaaga raadsan kara?
Allsanaag.com
Sariirta ay habeenka ugu horreeya ku...

Bulsho walba oo dunida ku nool waxay leedahay dhaqan soo jireen ah, laakiin iyadoo dhaqanno badan laga tagay markii ay dunidu horumar sii gaartay, wali waxaa jira kuwo aan laga tallaabsanin, balse sii xoogeystay.Qaar ka mid ah waddamada Aasiya iyo Afrika, waxaa aad looga qaddariyaa dhaqannadii qarniyo ka hor soo jiray, gaar ahaan kuwa ku saabsan Guurka iyo hab dhaqanka reeraha.Hase yeeshee, waxay dadka qaarkood arrintaas ku tilmaameen mid caqabad ku ah dadka hadda jooga xilliga casriga ah.Xitaa Soomaalida dhagahooda kuma cusba dhaqannada laga tix galiyo dhinaca guurka, waxaana bulshooyin badan caado u ah inay xeerkaas ilaaliyaan.Meelaha qaar, xubno ka tirsan qoyska ayaa duleedka aqalka lamaanaha ka dhageysta shanqarta, si ay u xaqiijiyaan qaabka ay wax u socdaan.Yaxaas gacanta ka goostay aroosad
Aroosad sun ay u qooshtay ninkeeda ku dishay 15 qof oo reer xididkeeda ah
Inta badan guurka noocan ah wuxuu dhex maraa gabadhaha iyo wiilasha la isku dooray ee waalidiintooda ay arooska u qabanqaabiyeen. Kuwa ugu waaweyn waxaa ka mid ah in gabdha marka lasoo guursado ay cid walba u kuur gasho inay ahayd mid sharafteeda dhowri jirtay oo sugeysay ilaa inta laga guursanayo.Nooc ka mid ah dhaqannada sida weyn dunida looga hadal hayo, layaabna lagu tilmaamay wuxuu ilaa hadda ka jiraa Gobolka Caucasus, oo ku yaalla dhulka u dhaxeeya Badda Madow iyo badda Caspian-ka, halkaasoo ay isku heystaan dalalka Armenia, Azerbaijan, Georgia iyo Ruushka.Gabar magaceeda runta ah la qariyay oo loo bixiyay Elmira ayaa ka sheekeyneysa qiso dhab ugu dhacday.In subixii lasoo bandhigo go'a saarnaa sariirta ay ku seexdeen lamaanaha habeenka ugu horreeya arooskoodaElmira waxay xasuusataa sida guurkeedii loo waafajiyay dhaqanka reerkeeda."Markii uu billaabay inuu dharka isaga siibo horteyda, galbintii arooska kaddib, Waxaan dareemay cabsi aad u xoog badan", ayey tidhi."Waxaan isku dayay inaan isdajiyo, oo aan nafteyda ku qanciyo in arrintani ay khasab tahay inay dhacdo, balse cabsidii wey igu sii badatay, waxaana ogaa in aniga qudheyda la iga doonayay inaan dharka iska bixiyo".Elmira , waxay ahayd 27 jir, markaas unbayna soo dhammeysay waxbarashadeeda jaamacadda, waxayna ka shaqeyneysay shaqo Turjumaannimo ah.Ninka guursaday wuxuu ahaa qof ay waalidiinteeda usoo xuleen, iyaduna way oggolaatay, "si ay hooyadeed u farxad galiso"."Wuxuu ahaa dariskeenna, aad baan u kala duwaneyn, wuxuu ahaa qof aan waxba baranin, ma jirin meel aan isku mid ka nahay", ayay tidhi.Elmira waxay dhowr jeer hooyadeed u sheegtay inaysan wali diyaar u ahayn inay guursato.
Balse hooyadeed waxay qaraabadii kale u sheegtay inay arrinta ku cadaadiyaan, dadka oo dhanna markaas waxay ka shakisanaayeen in gabadhu ay 'bikro' tahay iyo inkale.Qof kasta wuxuu ogaa ceebta qoyska soo gaari karta, haddii gabadhooda ay waafaqi weyso dhaqankii soo jireenka ahaa.Waxaa caado ah in habeenka arooska subaxdiisa bulshada loo soo bandhigo go'ii saarnaa sariirta ay lamaanaha ku seexdeen markii ugu horreysay.Dabcan waxaa la fishaa in go'u uu dhiig yeesho, taasoo caddeyn u ah in gabadha la guursaday aysan waligeed horay nin kale gogol ugula kulmin.Markii la ogaaday inay guurka ka caga jiideyso, qof walba wadnaha ayuu farta ku hayay, waxaana go'aan lagu gaaray in mar qura lasoo afjaro sheekada, oo gabadha la guursado.Laakiin run ahaantii, Elmira waligeed xiriir gogol ma sameynin habeenkii arooskeeda ka hor.Markii aqalkooda loo soo galbiyay habeenkii, ninkeedana uu billaabay inuu xiriirka gogosha la sameeyo, waxay maqashay codadka dumar ku jiray qol kale oo ku dhagganaa.Waxaa qolka ku xiga joogay Elmira hooyadeed, labo habaryaraheed ah, sodohdeed iyo haweeney kale oo qaraabadooda ah.
Dhammaantood waxay halkaas u joogeen arrin waafaqsan dhaqanka, taasoo khasab ka dhigeysa in haweenku ay dhageystaan shanqarta lamaanaha, si ay u xaqiijiyaan in gabadhu ay ku xanuunsatay xiriirka gogosha, taasoo caddeyneysa inay aroosaddu 'bikro' tahay."Waxaan maqlayay cod kasta oo ay dumarkaas sameynayeen, waxaana la gariirayay xanuun dartiis, ceebna waan dareemayay, waxaan niyada iska dhahay; arooska ma sidan buu ahaa?".Haweeney kale oo qaraabo la ah ayaa iyadana gudaneysay waajibaadka dhaqan ee ah in qof dumar ah ay qolka arooska hor fadhido habeenkii oo dhan.Mid ka mid ah shaqooyinkeeda waa inay diyaar u ahaato gabadhii aan horay waxba uga aqoonin arrimaha gogosha oo qolka kasoo cararta una baahata inay talo ka hesho haweeney khibrad leh.Shaqada kale ee haweeneyda aqalka arooska hor fadhida ay qabaneyso waa inay subaxdii soo qaaddo go'ii saarnaa sariirta ay lamaanaha ku seexdeen.In go'a saarnaa sariirta ay habeenka ugu horreeya ku seexdeen lamaanaha lasoo bandhigo waa dhaqan aad awood ugu leh gobolka Caucasus.Dhiigga ku yaalla go'a ayaa qaraabada u caddeynaya in gabadhu ay ahayd mid aan nin kale horay usoo marin.
Koox rag ayaa calan laga sameeyay go'ii dhiigga lahaa ka qotomiya goob fagaare ah, waana tallaabo kale oo la xiriirta dhaqankaas.Markaas kaddib, qoysaska labada dhinac ayaa u hambalyeynaya lammaanaka isguursaday.Markii la arko go'a oo dhiig leh ayuu dhamyetirmaa tiirka ugu muhiimsan ee arooska.Kooxaha xuquuqda dadka u dooda ee dalka Azerbaijan ayaa sheegay in dhaqankan xasaasiga ah uu ku badan yahay deegaannada miyiga ah ee waddankaas.Xitaa meelaha qaar, arooska ka hor, haweeneyda waxaa loo geeyaa dhaqtar hubiya inay 'bikro' tahay.
Geerida Abwaan Saxardiid Jabiye

Waxa Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Saxardiid Maxed Jabiye oo ka mid ahaa hal-abuurkii dhinaca suugaanta kaga soo qayb qaatay halgankii gobanimo-doonkii Soomaalida ee lagaga soo horjeeday gumeysigii Biritan, iyadoo heesaha uu abwaanku sameeyey ay ka mid ahayd "AAN MAALNO HASHEENA MAANDEEQ" iyo kuwo kale.
Warbxintan waxa Hargeysa nooga soo diray wariyahayaga, Khadar Maxamed Cakule.
Horjooge Ajinebi ah oo lagu dilay...
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in meel ku dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan uu dagaal culusi ku dhexmaray kooxda xaq u dirirka ah ee macawisleey iyo maleeshiyaad ka tirsan arxanlaawayaasha Al-shabaab. 
Iska hor-imaadkaan ayaa la sheegay in qasaare xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii Al-shabaab ee dagaalka ka qeyb galay.
Mid kamid ah dadka is abaabulay ee la dagaalamay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen dagaalkaan Horjooge ajinebi ah oo ka soo jeeda dalka Kenya.
Horjoogaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee lagu diley iska hor-imaadkan ayaa la sheegay inuu caan ka ahaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxaana magaciisa lagu sheeay Maxamed.
Shacabka soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hiiraan oo u adkeysan waayay gumaadka iyo gardarada kooxda Al-shabaab ayaa marar badan sidaan oo kale dagaalo ay la galeen uga dilay Horjoogayaal caan ahaa iyo maleeshiyaad kale oo badan.