Latest Videos

Gabay ku socda Maamulka Somaliland 2019
Tuesday, June 18, 2019 - 15:35
gabay somlie
Tuesday, June 18, 2019 - 13:28
Wiil Dhalinyaro ah oo Gabay ka tiriyey...
Tuesday, June 18, 2019 - 13:28
Gabay lo tirayay rer wajeer iyo damaan...
Tuesday, June 18, 2019 - 13:28
waa gabay ku saab san hooyo macaan...
Tuesday, June 18, 2019 - 13:28
Gabay Gaby
Tuesday, June 18, 2019 - 13:28
Waa gabay aad umacaan oo kahadlaya...
Tuesday, June 18, 2019 - 13:28
Gabay: Siyaasiga Xilkiisii Gabay By:...
Tuesday, June 18, 2019 - 13:28
Abwaan jirdac oo gabay qiiro leh ka...
Tuesday, June 18, 2019 - 13:28
Ragu Waa is dhamaa kalana danbi dhorsan...
Tuesday, June 18, 2019 - 13:28
עדן גבאי - שגעונות | Eden Gabay...
Tuesday, June 18, 2019 - 07:22
GABAY JACAYL OO FARIIN QIIRO BADAN...
Monday, June 17, 2019 - 22:46
Gabay Lagu Weerarayo Kenya by Abwaan...
Saturday, June 15, 2019 - 00:30
Muxadaro Ducada & Aqbalkeeda...
Friday, June 14, 2019 - 22:11
Abwan Cali xuseen soomali oo gabay uu...
Friday, June 14, 2019 - 21:04

Wararkii Cayaaraha

Philippe Coutinho oo iska diiday Man...
Sunday, July 14, 2019 - 16:44





(Barcelona) 14 Luulyo 2019. Laacibka khadka dhexe ee Barcelona, Philippe Coutinho ayaa la soo warinayaa inuu alaabada u furay inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League xagaagan, laakiin waxa uu iska diiday inuu u dhaqaaqo Kooxda Manchester United.
Kubbad abuurahan reer Brazil ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu ka tagi doono garoonka Camp Nou, kaddib xilli ciyaareed niyad jab leh oo uu qaatay kal ciyaareedkii 2018-19, isagoo kaliya kooxda La Liga safka hore ugu soo bilowday 22 kulan.
Wakiilka ciyaaryahan Coutinho ayaa soo jeediyey in Barcelona aysan doonayn inay iska iibiso kubbad sameeyahan, inkastoo warar kale oo soo baxayana ay sheegayaan in kooxdu ay doonayso inay albaabka u tilmaanto.
Barca ayaa 107 milyan oo gini kula soo saxiixatay Antoine Griezmann, taasoo ka dhigan in Coutinho fursaddiisa uu si joogto ah ugu ciyaari karo kooxda koowaad ee Barca xilli ciyaareedka soo socda ay tahay mid aad yar, halka kooxda ku guuleysatay horyaalka Spain sidoo kale la la xiriirinayo inay xagaagan u dhaqaaqdo soo xero-gelinta Neymar Jr.
Haddii heshiiska Neymar ay dhammaystiro Barca waxa ay u baahnaan doontaa inay iska iibiso qaar ka mid ah xiddigaha haatan kooxda ku sugan, Jariiradda The Express ayaana warinaya in Coutinho ay u badan tahay in la iibin doono.
Inuu u dhaqaaqo kooxda Paris Saint-Germain ayuu dooq u haystaa, iyadoo ay suuro-gal tahay in qeyb looga dhigo heshiiska Neymar dib loogu soo celinayo garoonka Camp Nou, halka kooxaha Liverpool iyo Manchester United ay sidoo kale xiiseynayaan.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Coutinho uu soo dhoweeyey fursadda uu dib ugu laabanayo garoonka Anfield, laakiin waxa uu hoos u dhigay jaaniska uu ugu biirayo Man United oo ay coltamaan kooxdiisii hore ee Liverpool.Gool FM.





RASMI: Kooxda Bayern Munich oo soo...
Sunday, July 14, 2019 - 10:04





(Munich) 14 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa maanta soo bandhigtay Maaliyadda ay ku ciyaari doono marka ay martida tahay xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20.
Maaliyaddaan oo ay kooxda reer Jarmal ku dheeli doonto marka ay ku ciyaarayso garoommada kooxaha kale xilli ciyaareedka cusub ama meel ka baxsan garoonkeeda ayaa midabkeedu yahay guud ahaan caddaan.
Waxaa maaliyaddaan shafka kaga qoran magaca shirkadda .T… oo ay xayeysiiso, astaanta kooxda iyo midda shirkadda Adidas oo ah tan farsameysay maaliyaddan.SAWIRRO:Gool FM.





Bayern Munich oo 57 milyan oo doolar ku...
Sunday, July 14, 2019 - 09:32





(Munich) 14 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee ka dhisan dalka Jarmalka ayaa la soo warinayaa inay 45 milyan oo gini ku doonayso ciyaaryahanka naadiga Chelsea ee Hudson-Odoi.
Kooxda reer England ee Chelsea ayaa halis ugu jirta inay xiddigooda garabka ka dheela uu bilaash kaga tago bisha Janaayo ee sanadka cusub, haddii haatan ay diidaan inay ka iibiyaan naadiga reer Jarmal.
Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in kooxda Bayern Munich ay dib ugu soo laabatay doonista ciyaaryahan Callum Hudson-Odoi, waxaana ay qarka u saaran yihiin inay adduun dhan 45 milyan oo gini oo u dhiganta 57 milyan oo doolar kaga soo qaataan Chelsea.
Dalabkan ayaa noqon doona 10 milyan oo gini ama in wax yar ka badan marka ay kooxda heysata horyaalka Bundesliga ay Blues ka doonato Hudson-Odoi bisha Janaayo oo uu intaas ka sii ciyaaro galbeedka magaalada London.
Macallinka cusub ee kooxda Chelsea, Frank Lampard ayaa doonaya inuu ka dhaadhiciyo xiddigan garabka ka dheela inuu sii joogo, laakiin haddii aysan aqbalin dalabkooda, Chelsea waxa ay halis ugu jirtaa inay Hudson-Odoi si bilaash ah u lumiyaan bisha Janaayo haddii tan iyo intaas aysan ka saxiixan qandaraas cusub.Gool FM.





Waa kuma daafaca ay 25 milyan oo gini...
Sunday, July 14, 2019 - 09:32





(London) 14 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay 25 milyan oo gini ku doonayso saxiixa ciyaaryahan Tierney.
Gunners ayaa dib ugu laabtay doonista daafaca kooxda Celtic ee Kieran Tierney sida ay tilmaamayaan warbixinnada ay saaka daabaceen Wargeysyada ciyaaraha ka faallooda.
Shabakadda Sky Sports ayaa warinaysa in Arsenal ay 25 milyan oo gini oo u dhiganta 31 milyan oo doolar ku doonayso difaaca garabka bidix ee kooxda Celtic ninka la yiraahdo Kieran Tierney.
Saddex todobaad ka hor ayey ahayd markii Gunners laga soo diiday dalab 15 milyan oo gini ahaa oo ay u gudbisay kooxda ku guuleysatay horyaalka Scottish-ka, kaasoo ay doonaysay dambeedkan bidix.
Tierney, kaasoo heshiiskiisa kooxda Celtic uu ku eg yahay sanadka 2023-ka ayaa sidoo kale waxaa xiiseynaysa naadiga reer Talyaani ee Napoli.Gool FM.





Kulamada Wareegga afar dhammaadka...
Sunday, July 14, 2019 - 08:53





(Qahira) 14 Luulyo 2019. Waxaa caawa la ciyaari doonaa kulammada wareegga afar dhammaadka koobka Qarammada Qaaradda Afrika ee 2019, inagoo idiin soo gudbin doonna kulamada la ciyaari doono iyo saacadaha ay soo geli doonaan.
Kulanka ugu horreeya ee caawa wareegga afar dhammaadka koobka Qarammada Qaaradda Afrika 2019 waxaa wada ciyaari doona xulalka Senegal iyo Tunisia, marka ay saacadda geeska Afrika tahay 7:00 fiidnimo caawa.
Xulalka Algeria iyo Nigeria ayaa dhankooda wada dheeli doona kulanka xiga marka ay caawa saacadda geeska afrika tahay 10:00 habeennimo.
Xulalka isagu soo haray afar dhammaadka tartanka qarammada qaaradda Afrika sanadkan, kaliya Nigeria ayaa ku guuleysatay koobka tiro ka badan hal jeer.Haddaba halkaan hoose ka eeg xulalka is-wajahaya caawa afar dhammaadka koobka Qarammada Qaaradda Afrika 2019 & Saacadaha ay baasmi doonaan, iyadoo xulalkii adkaada ay iska xaadirin doonaan Final-ka tartankan:-
7:00 Fiidnimo Senegal vs Tunisia.
10:00 Habeennimo Algeria vs Nigeria.Gool FM.





Manchester United oo u sheegtay kooxda...
Sunday, July 14, 2019 - 08:53





(Manchester) 14 Luulyo 2019. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku wargelisay Real Madrid qiimaha ay uga iibinayso Paul Pogba.
Red Devils waxa ay ku dadaalaysaa inay sii haysato xiddigan reer France, balse haddiiba ay iska dirayaan waxa ay doonayaan inay lacago qiimo sare ah kaga iibiyaan Real Madrid inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha ee Premier League.
Jariiradda The Mirror ayaa warinaya in Manchester United ay u sheegtay kooxda Real Madrid inaysan Paul Pogba kaga iibinaynin wax ka yar 150 milyan oo gini oo ay ku dhammeeyaan waqtiga kama dambaysta ah ee heshiiska la qabanayo.
Red Devils ayaanan u ogolaaneynin kooxda La Liga inay jabiso qorshaha Macallin Ole Gunnar Solskjaer ee xilli ciyaareedka, waxaana ay u sheegtay Madrid inaanay ka iibin doonin Pogba haddii aysan sheekada u dhammaystirin ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha 8 bisha Agoosto ee soo aaddan.
Kooxdu ma aysan sameynin wax heshiis ah oo bedelka xiddigan xulka qaranka Faransiiska ah, Man United ayaana ka walwalsan in Madrid ay dooneyso inay bisha Janaayo isku daydo inay Pogba ku iibisato qiimo raqiis ah.Gool FM.





Harry Maguire oo soo jeediyey dareenka...
Sunday, July 14, 2019 - 08:53





(Leicester) 14 Luulyo 2019. Jariiradda The Sun ayaa warinaysa in ciyaaryahan Harry Maguire uu soo jeediyey dareenka Manchester United oo aad u doonaysa saxiixiisa kaddib markii uu si caro leh ugu eedeeyey kooxdiisa Leicester City inay madaxiisa duldhigayaan lacago aad qaali ah oo aysan awoodin kooxaha doonaya inay la saxiixdaan isaga si ay uga horjoogsadaan inuu tago.
Shalay ayuu saaxiibadiisa kooxda Leicester City u sheegay inuu doonayo inuu baxo, iyadoo kooxaha ka wada dhisan Magaalada Manchester ee Man United iyo Man City ay labaduba doonayaan difaacan dhexe isla markaana laga soo diiday dalab 70 milyan oo gini ahaa oo ay ka gudbiyeen Maguire.
Kaddib markii ay kooxda Leicester duldhigtay madaxiisa qiimo lacageed dhan 85 milyan oo gini difaacan ayaa dareenkiisa ku soo bandhigay tababarkii shalay ay ku qaateen Waddanka Faransiiska, waxaana uu dalbanayaa in kooxdiisa Foxes ay hoos u dhigto qiimaha lagu heli karo si uu u tago xagaagan.
Leicester City waxa ay haatan ka wal-walsan tahay haddii uu 26-sano jirkaan diyaar u yahay inuu ciyaaro kulankooda saaxiibtinnimo oo ay Talaadada la leeyihiin naadiga Scunthorpe.
Kooxda Manchester United ayaa la fahamsan yahay inay dalab kale oo ka qiimo sarreeya midka Manchester City inay ka gudbin doono xiddigan xulka qaranka England ka hor inta aan albaabada loo laabin suuqa kala iibsiga xiddigaha.
Waxa uu Maguire noqon karaa difaaca ugu qaalisan Adduunka, isagoo jabin kara heshiiskii rikoorka ahaa oo ay kooxda Liverpool kula soo wareegtay Virgil van Dijk, kaasoo ay 75 milyan oo gini uga soo iibsadeen naadiga Southampton.Gool FM.





James Rodriguez oo go’aansaday inuu si...
Sunday, July 14, 2019 - 08:53





(Madrid) 14 Luulyo 2019. Ciyaaryahan James Rodriguez ayaa doonaya inuu si layaab leh ugu dhaqaaqo kooxda ay Real Madrid ku xafiiltamaan Spain ee Atletico Madrid sida wararku ay sheegayaan.
Ciyaaryahanka iyo kooxduba waxa ay doonayaan inay faa’iideystaan fursaddooda suuqa kala iibsiga, laakiin Real Madrid ayaa ku dadaalaysa inay sii haysato isaga, haddii ay awoodi weysana waxa ay rabataa inay u dirto meel ka baxsan horyaalka La Liga.
Jariiradda Marca ee ka soo baxda dalka Spain ayaa warinaysa in Atletico Madrid ay u muuqato inay soo xero-gelisay James Rodriguez, kaasoo door-bidaya inuusan aadin Napoli ee haddii uu ka tagayo Real Madrid uu ku biiro kooxda Atletico Madrid.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in James uu doonayo inuu ku sii nagaado caasimadda Spain ee Madrid halkii uu u dhaqaaqi lahaa Naples, kooxda Atletico waa ay jeclaan lahayd inay la wareegto isaga, inkastoo uu heshiiskaas caqabad ku yahay Los Blancos.
Yeelkeede, James ayaan ka mid ahayn qorshaha macallin Zinedine Zidane, kooxda Real Madrid ayaana doonaysa inay lacag kaash ah ku hesho xiddigan xulka qaranka Colombia, halka kubbad sameeyahan la leeyahay qudhiisu waxa uu go’aansaday inuu ku biiro Atletico Madrid.Gool FM.





WARBIXIN: Maxay ahayd sababtii uu Edgar...
Saturday, July 13, 2019 - 20:39





(Yurub) 13 July 2019.  Edgar Davids waa mid ka mid ah halyeeyadii kubadda cagta caalamka soo maray ee lagu xasuusto kubbad qurux badan iyo bandhigyo aan wali la iloobin, laguna xusuusto xirashada ookiyalaha xilliga uu garoonka ku jiro.
Edgar Davids waxa ay badi dadka la socda kubadda cagta u yaqanaan ‘David Camool’ waxaana inta badan inagu soo laalaabtay su’aasha ah sababta uu u xiran jiray ninka reer Holland Ookiyaalaha xilliga uu ciyaarayo kubadda cagta, waana xogta aynu hadda idinla wadaagi doono.
Halyeeyga xulka qaranka Holland muxuu u xiran jiray ookiyaalaha midabbada casanka iyo madowga?, awooddii uu ku soo bandhigay Juventus, rikoorkii mucjisada ahaa ee uu sameeyay intii uu ka tirsanaa Barcelona, imaatinkiisii Premier League illaa kulaabashada gurigiisa iyo xogo kale oo badan si aad u ogaato fadlan inala daawo muuqaalka hoose oo uu inoo diyaariyay Wariyaheenna Shaafici Maxamuud Nuur (Shaafinho).VIDEO:
[embedded content]Gool FM.





WARBIXIN: 16 Shaqsi oo caan ah oo...
Saturday, July 13, 2019 - 15:38





(Yurub) 13 July 2019. Xiddigaha kubadda cagta mid walba waxa uu caan ku yahay dhacdo uu ka sameeyay garoommada kubadda cagta, dhacdooyinkaas oo noqda kuwa mar walba la xasuusto oo lagu qoro bogagga hore ee Jaraa’idyada caalamka.
Ciyaaryahanka dhawaan galka ah ee kooxda kubadda cagta Juventus, Aaron Ramsey ayaa loo diiwaan galiyay dhacdooyin layaab leh iyo in uu dhimasho u sadaaliyay dadyow badan oo caan ah kaddibna ay dhimashadu timid markii uu gool ansixiyay wiilka reer Wales.
Haddaba waxa aynu warbixintaan idin kugu soo gudbinaynaa shaqsiyaad caan ka ah adduunka oo ay dhimashooda ku soo aaday Maalin, saacad ama daqiiqado kaddib markii uu Ramsey gool u dhaliyay kooxdiisii hore ee Arsenal.
Xogahaasi oo dhan si aad u ogaato fadlan inala daawo muuqaalka hoose oo uu inoo diyaariyay Wariyaheenna Shaafici Maxamuud Nuur (Shaafinho).VIDEO:
[embedded content]Gool FM.





Man United oo guul ku furtay...
Saturday, July 13, 2019 - 15:38





(Perth) 13 July 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul ku furtay kulankeedii ugu horreeyey ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub 2019/20.
Kulankan oo ka dhacay Magaalada Perth ee dalka Australia ayaa ku soo dhammaaday 2-0 ay Manchester United kaga adkaatay, kooxda dalkaasi ka dhisan ee Perth Glory.
Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, laakiin markii dib la isugu soo laabtay ayey kooxda reer England la timid labada goo lee ciyaarta.
Labada gool waxaa kooxda Man United u kala dhaliyey kulankan 60’daqiiqo Marcus Rashford iyo 85’daqiiqo James Garner.
Waxaa xusid mudan in saxiixyada cusub ee Daniel James iyo Aaron Wan-Bissaka ay kulankoodii ugu horreeyey maanta u ciyaareen kooxdooda cusub ee Manchester United.
Man United ayaana guushaas ku daah furatay kulammada u diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub 2019-20, waxaana kulankeeda xiga ee saaxiibtinnimo kooxda Macallin Ole Gunnar Solskjær la ciyaari doontaa 17 bishaan naadiga Leeds United.Gool FM.





Waa kuma xiddiga iska diiday dalabyo uu...
Saturday, July 13, 2019 - 13:28





(Yurub) 13 Luulyo 2019. Gianluigi Buffon ayaa la soo warinayaa inuu iska diiday dalabyo uu ka helay labada kooxood ee ka wada dhisan Magaalada Manchester ee Manchester City iyo Manchester United ka hor inta uusan dib ugu laaban Juventus.
Goolhayahan halyeyga ah ayaa go’aan yaab leh qaatay isagoo horraantii bishaan dib ugu soo laabtay garoonka Allianz Stadium, kaddib markii uu ka soo tagay kooxda Paris Saint-Germain oo muddo sanad ah uu ku suganaa.
Buffon ayaa ka tagay PSG kaddib markii uu ku guuldarreystay inuu boos joogta ah ka helo goolka, Wargeyska Daily Mail ayaana warinaya inuu go’aan weyn ka qaatay inuu u dhaqaaqo Magaalada Manchester si uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Juve.
Labada kooxood ee reer England ayaa xiddigan dalabyo ka gudbiyey laakiin goolhayahan ayaa iska diiday inuu u ciyaaro labadaba Man City iyo Man United, waxaana uu go’aansaday inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore.
Heshiis uu dib ugu laabtay Juventus ayaa la sheegayaa in xiddigan xulka qaranka Talyaaniga u saftay 176 kulan uu ciyaari doono ugu yaraan 10 kulan xilli ciyaareedka soo socda.Gool FM.





Kooxda Barcelona oo doonaysa inay...
Saturday, July 13, 2019 - 12:40





(Barcelona) 13 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay u bandhigayso daafaceeda Clement Lenglet naadiga Paris Saint-Germain si uu qeyb uga noqdo heshiiska laacibka iyo lacagta kaashka ah ee la isku daray oo ay ku doonayso inay ku soo qaadato Neymar JR.
Kooxda xafidanaysa horyaalka La Liga ayaa doonaysa inay shaxdeeda ku soo darsato laacibka reer Brazil ee Neymar Jr xagaagan, waxaana la rumeysan yahay inay ka shaqeynayaan sidii ay ku wajihi lahaayeen heshiiskaan.
PSG ayaa weydiisanaysa Barca lacag kaash ah oo ku adag inay bixiso, laakiin Wargeyska Sport ee dalka Spain ka soo baxa ayaa warinaya inay soo bandhigi doonaan mid ka mid ah ciyaartoydeeda kooxda koowaad.
Ousmane Dembele iyo Philippe Coutinho ayaa horraan la la xiriirinayey inay u dhaqaaqi karaan caasimadda Faransiiska si ay qeyb uga noqdaan heshiiska uu Camp Nou ku imaanayo Neymar, inkastoo haatan la warinayo in Lenglet uu yahay xiddiga heshiiskan lagu xalin doono.
24-sano jirkaan daafaca dhexe ayaa jecel PSG, waxaana la sheegayaa inuu yahay booska uu rabo tababare Thomas Tuchel oo doonaya inuu sii xoojiyo shaxdiisa.
Lenglet ayaa safka hore ee horyaalka La Liga 22 jeer ugu soo bilowday kooxda Barcelona xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.Gool FM.





Waa kee xiddiga ay Tottenham Hotspur...
Saturday, July 13, 2019 - 12:04





(London) 13 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa la soo warinayaa inay doonayso inay sameyso isku-daygeedii ugu dambeeyey ee ay ku doonayso daafaca naadiga  Saint-Etienne ee William Saliba.
Kaddib bandhig cajiib ah oo uu ka dameeyey horyaalka Ligue 1 intii lagu guda jiray xilli ciyaareedyadii dhowaa, 18-sano jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinayey kooxda Arsenal, iyadoo xiddigan da’da yar doonaysa inuu fure u noqdo kooxda mustaqbalka.
Gunners ayaa ogolaatay inay bixiso qiimaha lagama maarmaanka ah ee 27 milyan oo gini, halka sidoo kale Saint-Etienne ay isku dayeyso inay sii haysato sanad kale.
Yeelkeede, BBC Sport ayaa warinaysa in Spurs ay eegeyso inay saxiixa laacibkan ku garaacdo kooxda ay ku xafiiltamaan Waqooyiga Magaalada London, isla markaana ay xiddigan ka gudbiyaan dalab aan la diidi karin.
Wararku ma caddeynayaan haddii uu Saliba baaqi ku sii ahaan doono kooxda Saint-Etienne 12 bilood oo kale, inkastoo Spurs ay u muuqaneyso inay ku jirto meel ay ku bixin karaan lacagta lagu jabin karo heshiiskiisa.Gool FM.





Wargeyska De Telegraaf oo banaanka soo...
Saturday, July 13, 2019 - 11:01





(Holland)  13 Luulyo 2019. Wargeyska De Telegraaf ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Juventus ay hormar la taaban karo ka sameysay arrinta Matthijs de Ligt maadaama ay 75 Malyan oo Yuuro kula heshiiyeen kooxda Ajax, sidoo kalana filashadu ay tahay in la dhameeyo maalmaha soo aadan.
Sida la fahamsan yahay howsha hadda waxey mareysaa meel dhamaad ah, wakiilada labada kooxood iyo sidoo kale Mino Riola ayaa looga fadhiyaa iney dhameeyaan waxyaabaha yar ee haray.
Sidoo kale waxaaba jira warar goor sii horreysay ay tabiyeen saxaafadda talyaaniga oo dhigaya in De Ligt uu sii doortay xirashada lambarka 4-aad ee kooxda.
Daafacaan tayada wanaagsan ee aadka loo amaanay ayaa 20-jirsan doona bisha soo socota, isbuucyo ka hor ayuuna heshiiska shaqsiga ah la gaaray Bianconerri.
12 Malyan oo Yuuro ayuu qaadan doonaa fasal ciyaareedkii oo la raaciyay lacago gunno ah, sidoo kale meesha kama marna in lacago badan lagu xiri doono heshiiskiisa.
Waxaa la qiyaasayaa in Isniinta lagu dhawaaqi doono, Riola iyo De Ligt waxey sugayaan kaliya in fasax la siiyo si ay ugu duulaan Turin si wadajir ah isla markaana heshiiska u dhameystiraan.GOOL FM