Wararkii oo dhan

Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo isku rasaaseeyay degmada Wardhiigley

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga Saldhiga Booliska degmada Wardhiigley, iyadoo iska hor imaadka uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.


Ragg Hubeysan oo maanta Suuqa Bakaaraha ku toogtay askari ka tirsan Ciidamada dowladda

Askarigii u horeeyay ayaa maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha tan iyo markii sanadkii hore ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom suuqaas oo muddo ay maamulayeen Shabaab.


Madaxweyne Shariif oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay fadhiga Golaha ammaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ka qeyb galay shir gaar ah oo golaha ammaanka ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arri


Weerar lagu qaaday goob caweys ah oo ku taal magaalada Mombasa

Inta la og yahay hal ruux ayaa ku dhintay shan kalena waa ay ku dhaawacmeen markii ragg hubeysan xalay ay weerareen goob Caweys oo ku taal bartamaha magaalada xeebta ah ee Mombasa.


Odayaashii dhaqanka ee ka socday Puntland oo sheegay in shirka ku soo laabanayaan hadii la xaliyo qodobada qaar ee Dastuurka

Qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka ee ka socday Puntland, kuwaasoo shalay dib ugu laabtay magaalada Garowe ayaa sheegay inay dib ugu laaban doonaan shirka arrimaha Dastuurka looga hadlayo, hadii la xa


Saraakiisha dowladda ee Jubooyinka oo sheegay inay qabteen ragg ka tirsan Shabaab

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Shabaab, kadib dagaal culus oo shalay gelinkii dambe uu ka dhacay deega


Dagaalo xoogan oo xalay ka dhacay Garbahaarey

Dagaal u dhaxeeyay dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Ciidamada dowladda iyo Ahlusuna ayaa xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaalka ahaa mid saacad ka socday gu


Gudoomiye kuxigeenkii Xaafada Bardaale magaalada Baydhabo oo xalay la qaarijiyay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in ragg hubeysan ay xalay bartamaha magaalada ku dileen Gudoomiye kuxigeenkii xaafada Bardaale oo ka mid ah xaafadaha ay ka kooban


Shariif Xasan oo ku baaqay in gacan lagu siiyo sidii dowladda uga bixi laheyd xilliga kala guurka

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay dowlada  kala shaqeeyaan ka bixida waqtiga kala guurka.


Gudoomiye Tarsan oo eedeeyay Wasaarada Waxbarashada

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku eedeeyey wasaarada waxbarashada ee dowlada KMG Soomaaliya in ay hey’ado ka kireysato iskuuladi iyo guryihi laga bixiyey dadka rayidka