Xuubsireed ayaa si kulul uga hadlay SSC iyo Shirka Taleex
Arinka gobolada SSC waa mid aad xasaasi u ah, una baahan si qoto dheer oo taxadar leh in loo wajaho, dhibaatada kala daadsanaanta ah ee shacabkaas walaalaha ah saameeysay wadada kaliya ee loo wajihi karo xalintooda waa qodobada soo socda.
1. Shacabka iyo siyaasiyiinta gobolada kale ee Puntland ku sugan waa inay muujiyaan inay dad ahaan hiil iyo hooba lagarabtaaganyihiin sidii Shacabka, Isimada, iyo siyaasiyiinta SSC aragtidooda dadeed iyo waliba tooda dhaqan iyo siyaasadeedba loo midayn lahaa.
2. Farqiga u dhexeeya Hargaysa iyo Garoowe waa inay muuqataa iyada oo laga fogaynayo arimo siyaasadeed.
3. Isimada iyo Cuqaasha ka soo jeeda Gobolada Kale ee Puntland ee aan u dhalan SSC, waa inay cod iyo aragtiba ku yeeshaan shirka Taleex ka dhacaya, hadaan lagu casumina goobaha ay Puntland ama dunidaba ka joogaan waa inay guubaabadooda iyo taageeradooda ka muujiyaan.
4. Waa in Garoowe hawshaan badankeeda Isimada Gobolada kale ee Puntlad kusugan qayb wayn ka siisaa.
5. Waa inaan la’isu adeegsan siyaasiyiinta iyo hogaamiye dhaqameedyada ka soo jeeda SSC ee kala aragtida duwan, qaarkoodna ay ku kala suganyihiin Hargaysa iyo Garoowe, haday Hargaysa hawshaas ku jirtana inaan lagu dayan, qaab kalase loo wajaho.
6. Gobolada SSC shacabka ku nool waa qayb ka mid ah oogada ama jidhka shacabka kale ee Puntland, sidaas waa in loo arkaa, loona muujiyaa shacabkaas.
7. Jaaliyada reer Puntland ee dalka dibadiisa ku nool ee gobolada kale ee Puntland ee aan SSCda ahayn ka soo jeeda waa inay ka qayb qaadashada xal u helida arimahaan qaybna ka qaataan.
8. Dowlada Fedraalka iyo Raysulwasaare Cabdiwali waa inay dhiirigalini ka timaadaa shirkaasna taageeraan oo ku taageeraan sidii nuxur mira dhal leh uu u noqon laha. Goboladaasu waa furihii mustaqbalka iyo nabada Soomaaliya, waxaa lagama maar maan ah in maslaxada goboladaas wax walba laga hormariyo .
9. Waxaan qabaa in aan laga didin, cudurna loo arkin hadii shirkaas Taleex ka dhacaya ay ka soo qayb galaan siyaasiyiin SSC u dhashay, balse aan wax xiriir ah la lahayn maamuladii soo maray Puntland oo idil iyo kuwo horey uga tirsanaan jirayba, Bulshada Goboladaas ayay ka mid yihiin xaqna waa u leeyihiin inay fikirkooda goobtaas ka dhiibtaan.
10. Waa in loo arkaa dhinaca kale in xal laga raadiyo oo kaliya ama shir loo qabto dad aan hishiis ahayn oo wax uun ay ka dhexeeyaan, waana in gacan wayn lagu siiyaa sidii shirkaasi mira dhal u noqon lahaa, oo meel uun la isugu raaci lahaa ama halka loo bato loo taageeri lahaa.
Gobolada SSC iyo Magaalada Kismanyaba siyaasiyiinta u dhashay ee ka soo jeeda xanuun aad u wayn ayay ku haysaa maqnaashahoodu, habeena maskaxooda kama saaraan, mana aaminsana inay sidaas isaga maqnaan karaan. Inta ay maqanyihiina goboladaas hawl wayn ayaa qabya ah oo u baahan in la dhamaystiro, sidii loo xorayn lahaa goboladaas maqan qaab walba oo loo marayaba hawsheedu wax ka qabasho balaaran ayay u baahantahay.
Hussein Mohamed (Xuubsireed)
















