Xukuumadda Soomaaliya oo dadka degmada Yaaqshiid ugu baaqday inay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Dowladda Soomaaliya oo Xoogaga Xarakada Al Shabaab dhawaan kala wareegtay inta badan degmada Yaaqshiid ayaa waxay dadka reer Yaaqshiid ay ugu baaqday inay guryahoodu ay dib ugu soo laabtaan.
Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ciidamo xoog leh geysay ayaa waxay si weyn ay u sugtay ammaanka inta badan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxayna wadaa olole balaaran.
Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya Muxudiin Saabeey ayaa wuxuu maanta uu dadka ka barakacay degmada Yaaqshiid uu ugu baaqay, inay dib ugu soo laabtaan guryahoooda.
Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya Muxudiin Saabeey ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, in Dowladda Soomaaliya ay ka saarto Xoogaga Xarakada Al Shabaab.
Ugu dambeen Gudoomiyaha ayaa wuxuu ugu baaqay marka ay guryahoodu dib ugu soo laabtaan inay ka qeyb qaataan olalaha nadaafadeed ee degmada Yaaqshiid oo ay ka baxeyn dhir fara-badan.