Xubnaha UCID Ee Qurbajooga Is Casilay Qaladkay Galeen Bay Ogyiin Wajina Uma Yaal Meela.!!
Waxaan salaamayaa mushtamaca Somaliyeed dhamaantiis waxaanan Alleh uga rejeynayaa in uu dhibka iyo coolabahs uu ka dulqaado ugunna bedelo raxmadiisa iyo nabadgalyo iyo xasilooni waafiya..Amiin
Salaan dabadeed waxaan dhawaanahan aan arkaayey qoraalo ay soo gudbiyeen shakhsiyaad badhkood ay Xusbiga UCID, ka tirsanayeen ama xubin ka ahayeen oo sida aan fillayo ahaa kooxdii yareyd ee Waqaf iyo Cirro iyo xulifadoodii ku raacsaneyd murrankii ka fogaa xaqiiqada iyo cadaaladda ee dhawaan ay ka alooseen xusbiga UCID kooxdaa Waqaf, balse dhawaan ay soo af-jartay Maxkamadda Sare ee JSL hogaankeeda sare ee qadarinta iyo ixtiraamka muddani.
Hadaba qoraaladaa ay soo gudbinayaan xubnahaa dhowr-ka ah ee sheegaya in ay UCID, ka tirsanayeen ayaa waxa ay u soo ban-dhigaan sidii oo ay Xusbigga cir ay ka hayeen ku soo dummayo oon dib loo arki doonin UCID, weliba waxa ay qoraalada isu soo dabo galiyeen si isku xigta oo aad moodo koox yar oo balantay oo cidiyo ku dagaalan ah oo xaq ka maqan raadinaya garna u leh ficil kasta oo ay ka muujiyaan wergeysyada JSL, khaasatan kuwa xiiseeya muranada iyo khaakhuulada jsl iyo bulshada.
Waxa aan is weydiiyey xubnahaa tirada yar ee is Casilay ee Xusbiga ka tirsanaa ma waxa ay tageersanayeen mabd’a UCID iyo platform-kiisa cad ee uu ugu talo galay in uu ku haggo Qaranka Jamhuriyada Somaliland kuna sugu horu marka mushtamaca iyo coboca nidaamka dawladeed. Mise waxa ay aminsanayeen khuraafaadka iyo hamigga beenta ahaa ee ay xanbaarsanayeey Waqaf iyo Ciro ee ay isku dayeen in ay mijo xaabiyaan hogaanka Xisbiga UCID, balse ay sida waadaxa ah Maxkamada Sare ee Jsl ay ugu sheegtay ummada qaladkoodii xag-jirka ahaa riyadoodiina ay ku beenisay sidaana ceebta ay ugu xanbaarisay.
Su’aashu waxa ay tahay xubnahan leh waanu is casilay maxay iska casileen? Ma qaladka ay ku tageerayeen kooxdaa fashilantay ayay ogaadeen oo waxa ay iska casileen fadeexadaa qaladka ay tageereen awgeed? Mise qalad laga galay baa jira oo ay iska casileen.Waxaan odhan lahaa xaalku maaha sidaa fudud ee aydun isaga soo qorteen qoraalada fudeydka iyo fiirsi la’aantu ay haggeyso ee waxa aad gasheen qalad aad qaranka JSL iyo Xusbiga UCID sharcigiisa aad ka gasheen maadama oo aad si badheedha u taageerteen falkii xukun maroorsiga ahaa ee Waqaf iyo Cirro ay isku dayeen Xirsina uu taageerada madhan la barbar socday.
Waxaan hubaa in maxkamada sare JSL ay xeeriyeen wax badan oo ay ka mid yiin dimoqraadiyada yar ee curdinka ah oo ay dhawrayeen sidaana ay ku laaleen danbigii aad gasheen ciqaabtiisa halkaan aydun ku nabad gasheen garabkiinaa xukun maroorsiga waday.Arrinta kale ee aan idiin sheegayaa waxa ay tahay guulaysiga Xusbiga UCID iyo jiritaankiisu waxay ku jirtaa marka hore iraadada Alleh iyo sida uu Alle SWT u rabo qaddarkiisa ee uu u qorsheeyay cid qoraal yar iyo xagcagasho wax ku yeeli kartaa ma jirto.Xusbiga UCID iyo tageerayashiisa wax garadka ah waxa malafka ugu jirta in xusbigu yahay Xusbi ay cadaalad iyo islaamnimadu ay hageyso oo uu hadana yahay Xusbi Dimoqraadiyada inteeda islamnimada la jaan qaadaysa aminsan oo cadaalad iyo daacadnimo hageyso sidaa daraadeed kuma dhuuman karo nin hadaf yar oo raqiisa ama shakhsi daba socdaa markaa waxaan idinku sagootiyayaa fii-amaanilaah bulshaduna way soo jeedaa cadaaladii iyo sharcigii JSL-na wuu toosay.
Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe
Columbus Ohio, Usa
















