Xoogaga Shabaab oo dillay wiil dhalinyaro ah iyo Al Shabaab oo aan ka hadlin sababta ay u dilleen

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sii xoojisay dilalka qorsheysan ee ay u geysaneyso shacabka Somaliyeed, isla-markaana dilalkooda ayay u geysataa siyaabooyin kala duwan.
Al Shabaab ayaa waxay wiil dhalinyaro ay ku dishay Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna meydkiisa ay soo dhigtay meel ku dhaw Cisbitaalka Gobolka ee Magaaladda Jowhar.
Laakiin wiilkaan ayaa waxay ku dhex dishay Xaruunta Hay’adda Unicef ee Magaaladda Jowhar, waxayna meydkiisa ay soo dhigtay ilaa meel 2,80 mitir u jirta Xaruunta Hay’adda Unicef ee Magaaladda Jowhar.
Wiilka dhalinyarada ee ay dilleen Xoogaga Shabaab ayaa waxay dhawr xabadood ay uga dhifteen kilida, isla-markaana dadka ayaa waxay isla dhex marayaan in ninkaasi uusan ka mid ahayn dadka deegaanka.
Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay Xarakada Al Shabaab oo gacanta ku heysa Magaaladda Jowhar inaysan weli wax iska weydiin wiilka dhalinyarada ah ee ay ku dilleen Magaaladda Jowhar, isla-markaana waxay dadku layaabeen sida ay Shabaabku mararka qaarkood u sameeyaan wax-yaabo lala yaabo.
Xoogaga Shabaab ayaa waxay shalay Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dilleen, mid ka mid ah dagaal-yahanadooda, kaasoo horey u dillay mid ka mid ah dhalinyarada Gobolka Shabeellaha Hoose.