Xoghayihii Ururka Dhalinyarta Al-Nuur oo Taageero u Diray Shirkii Barakaale.

/* Style Definitions */
table.MsoNormalTable
{mso-style-name:"Table Normal";
mso-tstyle-rowband-size:0;
mso-tstyle-colband-size:0;
mso-style-noshow:yes;
mso-style-priority:99;
mso-style-parent:"";
mso-padding-alt:0cm 5.4pt 0cm 5.4pt;
mso-para-margin-top:0cm;
mso-para-margin-right:0cm;
mso-para-margin-bottom:10.0pt;
mso-para-margin-left:0cm;
line-height:115%;
mso-pagination:widow-orphan;
font-size:11.0pt;
font-family:"Calibri","sans-serif";
mso-ascii-font-family:Calibri;
mso-ascii-theme-font:minor-latin;
mso-hansi-font-family:Calibri;
mso-hansi-theme-font:minor-latin;
mso-bidi-font-family:"Times New Roman";
mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

 
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Ururka dhalinyarta Al-Nuur waxaan taageero hiil iyo hooba la garabtaaganahay qodobadii ka soo baxay shirkii ka dhacay Deegaanka Xeego.
Waxaan marlabaad taageero iyo hanbalyo hawda u marinayaa go,aamadii ka soo baxay shirkaasi iyo cidkaste oo ka qayb qaadatay in shirkaasi ku dhamaado guul. Waxaan si gaara u xusayaa Aqoonyadanadii, Waxgaradkii ,Salaadiintii, Culimadii ,Dhalinyaradii iyo Haweenkii uu hogaaminayay Suldaanka guud ee beeshu.
Suldaan Dhawal oo aan runtii ku sifayn karo halgayay u istaagay in uu badbaadiyo Taariikhda iyo Xadaaradii ay lahayd qoomiyada Gadabuursi, waa suldaanka kaliya ee aan maanta odhankaro wuxuu ka run sheegay suldaanimadiisa iyo xilka uu u hayo umadiisa taasi oo diiday wixii sumcad xumo iyo karaamo dhac ku ah qoomiyada Gadabuursi ee uu matalayo.
Marka aan sidaa leeyahay waxaa daawada oo aan dhagaysatay suldaanka oo meel adag iska taagay qadiyada lagu waxyeelaynayo umadiisa.
Shirkan oo ahaa shir marka hore beelaha habarcafaan ku hagaajisanayeen xeerhoosaadkooda , waxaanan qabaa in loo baahan yahay wakhtigan aan joogno in beelwaliba si hoose danaheeda uga wadahadasho loona soo dhaadhaco danta guud ee beelaha Samaroon wadaagaan.Suldaanka sida hadalkiisa laga dheehan karo wuxuu ku socdaa jidkii uu qoomiyada gadabuursi ku midayn lahaa isagoo ka bilaabaya beeshiisa.
Dhinaca kale waxaan iyaga hanbalyo gaara u dirayaa dhamaan qurba jooga Beesha HabarCafaan oo runtii suuragaliyay qabsoomida shirka una kala hadhin inay ka qaybgalaan shirka.
Waxa kale oo aan rumaysan ahay guushaasi laga gaadhay shirkaasi inayna munaafacaadkeeda habarcafaan oo kaliya ku koobnaan doonin uu noqdo mid waxqabadkiisa soo gaadhi doona kana faa,iidaysan doonaan beelaha kale ee Samaroon.
Waxaan kale oo aan Beesha HabarCafaan ka raaligalinayaa hadalo deelqaafa oo ay websityada qaarkood soo daabaceen oo wax lagaga sheegaya beelwayna sharafta iyo karaamada leh ee Habarcafaan. , basle waxaan leeyahay kuwaasi shirkii xeego wuxuu ku dhamaaday guul , guushaasina waa mid u soo hoyatay dhamaan qoomiyada Gadabuursi.
Guntii iyo gabadii waxaan leeyahay ilahow na barakee ,sida aad shirkii barkaale noogu barakaysay tani guudna noogu barakeeee....
Xoghaya ururka dhalinyarta Al-Nuur
Abokor Omar Muunin(Haybe)
Oslo, Norway.