Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta oo furay xarun lagu tababarayo carruurta
Carruurta oo kubbad cayaareysa / RBKXiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa magaalada Muqdisho ka furay xarun loogu talagalay tababarrada kubbadda cagta ee la siinayo carruurta Soomaaliyeed, waxayna arrintaasi qeyb ka tahay siyaasadda xiriirka ee looga hortagayo in carruurtu ay ku biiraan kooxaha dagaallamaya iyo kuwa dambiilayaasha ah ee ku sugan dalka.Xarunta cusub ayaa laga furay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, oo ka tirsan degmooyinka ay ka taliso dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana xarunta lagu xareeyay carruur ay da’doodu ka yar tahay toban sano, kuwaasoo isugu jira carruur ay dhaleen qoysas sabool ah iyo kuwo darbi-jiif ah.Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, Saciid Maxamuud Nuur oo ka hadlay xafladda furitaanka ee xarunta ayaa sheegay in ay tahay tii sagaalaad oo uu hirgeliyo xiriirka, oo ka hortagay in boqollaal carruur Soomaali ah ay ku biiraan dambiilayaasha ku sugan dalka.Saciid Maxamuud Nuur waxa uu sheegay in ay arrintani qeyb ka tahay barnaamijka kubbadda cagta ee nabadda oo laga leeyahay labo ujeeddo oo muhiim ah; kuwaasoo kala ah ka hortagga carruurta inay qayb ka noqdaan dhibaatada dalka ka jirta iyo hindise lagu soo xulayo mustaqbalka xubno cayaartoy ah oo ka mid noqon kara kooxaha 17 jirka ka yar.Guddoomiyaha waxa uu sheegay in carruurta lagu xareynayo xarunta cusub la filayo inay ka mid noqdaan carruurta ka yar 17-ka sano, kuwaasoo la filayo in labada ama saddexda sano ee soo socda ay ku biiraan kooxahaas.Carruurta lagu xereeyay xarunta cusub ayaa ah kuwo aad u xiisaynaya waaxda cusub, waxaana ka go’an in mustaqbalkooda kubbadda cagta ay kor u qaadaan.Carruurta yar yar ee ku nool Soomaaliya ayaa loo adeegsadaa askarnimo, waxayna ku lug leeyihiin dagaallada saamaynta ba’an yeeshay ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa tan iyo billowgii barnaamijkaan waxa uu ku guulaystay badbaadinta boqollaal carruur ah, oo qarka u saarnaa inay ku biiraan kooxaha dagaallamaya.Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxa uu tilmaamay in awoodda dhaqaale ee xiriirka kubadda cagta ay aad u hoosayso, isla markaana ay xarumaha lagu xanaaneeyo carruurta ka jirto qalab yari.Sanadihii ugu dambeeyay xiriirka waxa uu kubbadda cagta u adeegsanayay hab hubka looga dhigi karo carruurta, laguna wacyigelin karo. Qaar ka tirsan carruurtii laga badbaadiyay inay ku biiraan dagaallada oo qayb ka noqday barnaamijkaan cusub waxay haatan ka mid yihiin kooxaha ka yar 17 sano jirka, waxayna qaarkood noqdeen cayaartoy fiican.Carruurta loo tababarayo kubbadda cagta / RBKCarruurta lagu tababarayo xarunta / RBKCarruurta ku tababaraneysa xarunta / RBKCarruur aad u da'yar oo u diyaar ah inay cayaartoy noqdaan / RBKCarruurta oo cayaareysa kubbadda cagta / RBKCarruurta oo kubbad cayaareysa / RBKMaqaaladda La Xiriira:
- Wareysi: Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta
- Guddiga Olympikada Soomaaliyeed oo amaan u jeediyay xiriirka kubadda cagta
- Gaariga guddoomiyaha xiriirka K/cagta oo la weeraray
- Login to post comments
-

- Bar-kulan.com
















