Xildhibaanada Baay iyo Bakool ka soo jeeda oo digniino xoogan u jeediyay Maamulka Puntland

Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Madaxweyne Faroole uu weli sii wado, dhibaato xoogan oo ay sheegeen inuu u geysanaayo shacabka reer Baay iyo Bakool.
Xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta saxaafadda kula hadlay gudaha magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaysan u dul-qaadan doonin dhibaatada lagu haayo reer Baay iyo Bakool.
Xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle ayaa wuxuu xusay in Madaxweyne Faroole uu weli wado, dhibaato culus oo uu sheegay inuu ku haayo shacabka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool.
Xildhibaan Buulle ayaa wuxuu qeexay inay jiraan dad kale oo maal-mahaan lagu dillay gudaha deegaanada Puntland, isla-markaana wuxuu sheegay inaanan marnaba loo-dul qaadan karin arrimahaasi oo kale.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xalka uu ku jiro inuu xilka iskaga deggo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/Raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, kaasoo uu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku soo kordhiyay dhibaatooyin hor leh.
Xilliyadii Madaxweynayaasha C/Laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse, ayaa wuxuu sheegay inaanan deegaanada Puntland lagu dilli jirin shacabka ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool, hase ahaatee lagu dillo oo kaliya xilligaan oo uu Faroole Puntland Madaxweyne ka yahay.