Xildhibaan Peter King:40 Ruux oo Mareykan ah ayaa ku biiray Shabaabka

Washington July 27, 2011(qurbejoog.com)-Madaxa gudida Amniga qaranka ee aqalka Wakiilada dalka Mareykanka Peter King ayaa markii u horeysay maanta shaaciyay in 40 ruux oo heysta dhalashada dalkaasi ay  ku biireen kooxda Shabaabka.
Waa markii u horeysay ee masuul Mareykan ihi uu qiro in tiro intan le’egi ay ka tagtay Mareykanka kuna biirtay kooxda xiiriika la leh Al Qacida ee Al Shabaab.
Dawlada Mareykanka ayaa hore u shaacisay in 21 dhalinyaro ah oo ka tagtay Minneapolis ay ku biireen shabaab xili ciidamda Itoobiya ay doonayeen in ay Soomaaliya ka saaraan.
 Xildhibaan Peter King ayaa xogtan uu shaaciyay waxa ay ka soo baxday baaritaan dheer oo guddida Wakiiladu ku sameeyeen khatarta ka dhalan karta dhalintan ku biirtay Shabaabka.
Xildhibaan Peter King ayaa maanta warbixin ka hor jeedin doona baaritaan ay Congressku ku sameynayaan Muslimiinta iyo xagjirnimada.
qurbejoog-Washington
contact@somalidiasporanews.com