Xildhibaan Katirsan Barlamaanka Dawlada Puntland Oo Bargal Lagu Dilay.
Bargaal(Puntlandi.com);- Xildhibaan katirsan Barlamaanka Dawlada Puntland ayaa lagu dilay deegaanka Bargaal ee Gobolka Bari.
Ala ha uraxmadee Bile Maxamuud Yuusuf ayaa ahaa kooxo hubaysan rasaas ooda uga qaadeen gaari uu watay markii ay is af dhaafeen sida uu warfidiyeenada u sheegay Qaasim Maxamed Yuusuf oo katirsan Golaha shacabka Degmada Boosaaso.
Waxaa uu sheegay in mudanaha iyo shaqsiyaad wehliyay ay ku sii jeedeen deegaanka Caluula ee Gobolka Bari waxaana uu carabaabay cida ka danbaysay dilka Xildhibaanka isagoo sheegay in is hortaag ay ku sameyeen maleeshiyaad lamagacbaxay mamulka Casayrland deetana ay rasaas ooda uga qaadeen.
Wararka waxaa ay intaa ku darayaan in rasaasta maleeshiyaadka uu dhawac ka soo gaaray darawalkii Ala ha uraxmadee xildhibaanka docda kalana waxaa dhawac uu soo gaaray laba kamida maleeshiyaadka oo ay rasaas is waydaarsadeen wiil uu dhalay mudanaha geeriyooday oo safarka ku wehliyay.
Waa dhacda uguba hadana u baahan in xukumada ay talaabo kaqaado madama uu geeriyooday xildhibaan katirsan Barlamaanka Dawlada Puntland mana ah arin la dhayalsankaro sida ay Puntlandi.com u sheegeen siyaasiyiin katacsiyeyay dhacdada lagu dilay Xildhibaanka.
Waxaa Tacsi Puntlandi.com soo gaarsiiyay Madax katirsan Dawlada Puntland iyo siyaasiyiin caana waxaana dhamaantood ay ka tacsiyeeyeen geerida Xildhibaanka waxaana ay Dawlada ugu baaqeen in talaabo deg deg ah ka qaado maleeshiyaadkii falkaa fuliyay.
Puntlandi.com Galkacyo
















