Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo xalay lagu dilay deegaanka Baar-Gaal
Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland xalay lagu dilay degmada Baar-Gaal.
Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabaa Bile Maxamuud Yuusuf oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dilkiisa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Ilaaladiisa iyo Ciidamo ilaalo ka hayay Koontarool looga soo galo degmada Baar-Gaal.
Axmed Gurey oo ah Gudoomiyaha degmada Baar-Gaal ayaa sheegay in iska hor imaadka ka dhashay kala shakiga labada ciidan ay ku dhaawacmeen ilaa shan ruux oo saddex ka mid ah ilaalada Xildhibaanka ahaayeen.
Laakiin Saraakiisha Ammaanka Puntland ayaa sheegaya inay socdaan baaritaan wadaan oo ku aadan sababaha ka dambeeya isku dhaca ka dhashay geerida Xildhibaanka.
Dilkan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland Ilaalo uu watay iyo Ilaalo kale ay isku dhacaan, waxaana arrintan loo sababeynayaa isku dhacyada ka jira Gobolka Bari ee u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo Maleeshiyaadka taabacsan Sheekh Atam.
















