Xavi: Guardiola waa tababaraha ugu wanaagsan dunida

Ciyaaryahanka qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Barcelona iyo dalka Spain Xavi Hernandez ayaa tilmaamay in Pep Guardiola uu yahay tababaraha ugu wanaagsan adduunka, isla markaana uu wax badan ka badalay hab ciyaareedka kooxda.Kubbad qaabeeyaha ayaa sheegay in Guardiola uu wax badan ku kordhiyay kooxda Barcelona tan iyo markii uu tababaraha u noqday.“ Waxaan aaminsanahay in Guardiola uu yahay macallinka ugu wanaagsan adduunka” ayuu Xavi u sheegay wargeyska Sport.Guardiola ayaa badelay Frank Rijkaar oo Barcelona macallin u ahaa sanadkii 2008, waxaana uu kooxda u gacan geliyay saddex koob oo horyaalka Spainah ah, labo Champion iyo koobab kale.Maqaaladda La Xiriira:

  1. Guardiola oo laga yaabo inuu badalo tababaraha Chelsea
  2. Barcelona oo ka cabsi qabta in Guardiola uu Ku biiro Arsenal
  3. Guardiola oo ka tagaya kooxda Barcelona