Xarakada Al Shabaab oo weeraro qorsheyneysa iyo Ciidamadda Amisom oo jilbaha dhulka dhigtay “Top News”
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay isku diyaarineysaa inay dagaalo culus ku soo qaado Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Xarakada Al Shabaab oo maalmo kahor weeraro culus ku soo qaaday Deegaanka Jaziira ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay xilligaan qorsheyneysaa in dagaalo culus ay ku soo qaado Deeganka Jaziira.
Ciidamadda Al Shabaab ayaa waxay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ay ka wadaan Deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ku aadan sidii ay u difaacan lahaayeen Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kadib markii Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan” uu ku dhawaaqay, inay weeraro ku yihiin Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ayay Al Shabaab bilowday dhaq dhaqaaqyo milatari.
Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo baqdin ka muujinaaya dhaq dhaqaaqyada xoogan ee ay xilligaan wadaan Xoogaga Shabaab, ayaa waxay daafacyo dhaadheer ay ka galleen Deegaanada Jaziira iyo Baqal.
Waxaa jirta baqdin xoogan oo ka dhan ah in Xarakada Al Shabaab ay dagaalo culus ku soo qaado Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo ay ka dhinac dagaalamayaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
















