Xaalada magaalada Yagoori oo faraha ka baxday

Magaalada Yagoori ayaa waxaa ka dhacay shalay iska hor’imaad aad u culus oo u dhexeeyay Labo ciidan oo ku sugan magaalada Yagoori………….
Iska horimaadanka ayaa waxaa ku dhinta nin ka soo jeeda deegaanka Gobolka Sool, isaga si xun loogu dhameeyay rasaas markii loola dul yimid, taasi oo  markiiba xabadu isqabsatay meelkasta oo ka tirsan magaalada Yagoori, waxaana jira dhaawac labada dhinac ee ka soo jeeda ciidamada SNM iyo SSC.
Co. ina baashe oo si wayn ugu dhawaa Ciidmada  SNM ayaa aad ugu xanaaqay arinkan dhacay isago ka codsaday in Taliyaha Qaybta 9 inuu soo dhiibto ninkii ninka dilay, taasi oo uu taliyahu uu ku gacansaydhay isaga oo sheegay nin ka mid ah ciidamada aysan kuna jirin kana bixin waa sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada qaybta 9 ayaa ah kuwo laga soo raray dhinaca Kalshaale oo ka soo jeeda beesha dagta magaalada Qorulugud aadna ugu cadhaysaa muddo dheer dagaalkii ka dhacay duleedka magaaladood, balse loogu badalay inay la wareegaan marka hore Guumays kadibna ay jabin karaan beesha dagta magaalada Buuhoodle waa arinka uu watay Col. Nuux Taani.
Ciidamada SNM ayaa hada ku sugan magaalada Yagoori duleedkeeda iyaga oo si xarago leh u dagan deegaanka waxay ku dheerteen in hadii qori danbe lagu soo rido inay gubayaan magaalada Yagoori oo dhan. Taliyaha ayaa waxuu si xun ulla hadlay Col. ina cabaashe oo ku yidhi aniga ayaa mushahaarka ku siina wax dagaal ah ma qaadi kartid hadii kale xillka waanu kaa qaadaynaa.
Dhinaca kale Saaka waxaa magaaladaa ka muuqatay  kacdoon aad u culus iyo hub aruursi baxaad leh  aan horay loogu aqoon, waxaana beesha dagta magaalada Yagoori runtii ka muuqtay colaad aad u xun……………………….
Waxii ku soo kordha kala soco Radiowidhwidh.com