Wiilasha Dekedaha oo la hoydey horyaalkii 26-aad ee K/koleyga

Wiilasha kubadda koleyga ee Dekedaha ayaa galabta ku guuleystey horyaalka kubadda koleyga ee 26-aad, kaasi oo bilihii ugu danbeeyey si xiiso leh uga socdey garoonka ex-lugino degmada c/casiis ee Muqdisho.
Kulanka kama danbeysta oo ahaa mid xiiso gaar ah lahaa, oo aad loo wada sugayey,maadaama labada naadi ay ugu dhibco bateen dhamaan 11-ka naadi ee ka qeyb galay ayaa waxaa daawashada ciyaaarta finalka usoo xaadirey taageerayaashii ugu badnaa ee daawata k/koley sanadihii ugu danbeeyey iyo madax ka tirsan golaha wasiirada DKMG iyo Madaxda Olympicada iyo xiriirada hoos taga.
Dekedaha ayaa dar-dar la soo galay garoonka 10-kii ugu horeysey,taasi oo ay qeybtaasi hogaanka ugu qabteen ilaa 3 jeesto dhigooda Heegan.
laakin 10-kii danbe ee ku xigey ayey wiilasha Heegan boorka iska soo jafeen oo ciyaarta wax weyn ka bedeleen taasi oo u sahashey inay soo gaaraan dhinaca dhibcaha, markii xidgaha kooxdaasi ay dhaliyeen dhibco badan gaar ahaan ciyaaryahanka Allas dheere oo hore Dekeda uga soo tegey, laakin tababaraha Heegan ayaan fursad weyn siinin xidgaasi oo bedel uu ku sameeyey.
labadii qeyb ee danbe ayaa ciyaartu isku bedeshey mid dhamaan taageerayaasha labada dhinac midkoodna isa siin karin guusha, sababtoo ah aad ayey u kululaatay, goolal ayeyna isugu jawaabayeen ciyaartoydu, sidoo kalena garoonka ayaa waxaa laga saarey ilaa 3 ciyaaaryahan oo 2 ay Heegan ka tirsnaayeen halka midka kalena Dekedaha ka socdey markii min 5 foul ay dhameysteen.
ugu danbeyntii wixii leysku daalayba waxaa ay gabo-gabada seeriga uu ku dhacay iyadoo Wiilasha Kubadda Koleyga ee Dekedaha ay keensadeen 79 dhibic halka Heegan 72 kaliya waagu ugu baryey, sidaasina 3 jeesto iyo personal Horyaalka 26-aad kula hoyaadey Dekedaha.
Wasiirka Gaashaaandhiga DKMG Xuseen carab Ciise, kan arimaha gudaha C.samad, wasiirka Sportiga Maxed Muxyadiin iyo Madaxda Gudiga olympicada GOS gaar ahaan Aden Haji Wiish oo gudoomiyaha ayaa halkaasi hadalo ka soo jeediyey, ka dib markii Gudoomiyaha X.s.k.koleyga Ibraahim Husein Rombe uu qudbad tartanka ku aadan soo jeediyey.
Waxaa halkaasi lagu bixiyey abaalmarino kala duwan oo ay isugu jireen sadexda koox ee ugu horeysey tartanka, oo kala ah, Dekedaha oo koobka kaalinta 1aad qaadatay, Heegan 2-aad iyo Plasma University oo 3aad gashey, wallow uu jiro muran ka imaanaya kooxda Horseed oo sheegeysa in 3-aad iyagu xaq u leeyihiin, sidoo kale xidiga ugu wanaagsan iyo laacibka gool dhalinta ayaa abaal-marino la gudoonsiiyey.
C/xafiid C/samad  Zaciimka
zaciimka02@hotmail.com