Wigan oo hakisay Chelsea

Kooxda kubbadda cagta Wigan Athletic ayaa hakad gelisay hankii kooxda Chelsea ay ka qabtay in ay hiigsato kaalmaha hore ee horyaalka Premier League, waxaana ay ku kala bexeen gool iyo gool.
Gool uu daqiiqaddii 59-aad uu u saxiixay D.Sturridge ayaa waxaa in natiijada ciyaarta ay sidaa noqoto diiday J. Gomez oo daqiiqaddii 88-aad gool ku barbarreeyay Chelsea.
Sidoo kale waxaa la ciyaaray kulam kale oo ka tirsan horyaalka Premier League-ga dalka England, iyadoo kooxaha ciyaaray ay ku kala bexeen natiijada soo socta:
Blackburn R. 1 – 2 West Bromwich A.
Everton 1 – 1 Norwich C.
Fulham 2 – 0 Bolton W.
Newcastle U. 0 – 0 Swansea C.
Wolverhampton W. 1 – 2 Stoke C.
Wigan Athletic 1 – 1 Chelsea
Kulanka ugu adag horyaalka dalka ingiriiska ayaa waxa uu berri dhexmari doonaan kooxda horyaalka hoggaamineysa ee Manchester Citi iyo Arsenal oo dardar la soo baxday toddobaadyadii ugu dambeeyay.
X-Barkulan
gedoonlinenews@gmail.com