Weerar Cirka ah Oo Ka Socda Baardheere

Baardheere (GMN) - Weerar xagga cirka ah oo ay fulinayaan Diyaaradaha dagaalka ee Kenya, ayaa goor dhow ka bilowday Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo warar ay heshay Gedo Online ay sheegayaan in diyaaradaha Maraykanka ay iyana ku lug leeyihiin duqeynta.
Madaafiic waaweyn ayaa diyaaradahani waxa ay la beegsanayaan xero saldhig u ah Al-Shabaab  oo ku taala Bartamaha Baardheere, halkaasi oo kala carar iyo khasaare lixaad lihi uu ka jiro.
Xiriiro Kala duwan aan la sameeyay xubnaha ugu sareeya shabab ee Gobolkaasi ayaa Ka gaabsaday in Ay wax FaahFAahin ka bixiyaan duqeynta Imnka ka dhacday Magaalda Baardheere.
Gobalka Gedo ee Koonfurta dalka ayaa ka mid ah Gobalada wajahaya duulaanada wejiga cusub leh ee ay ka qeyb qaadanayso Dowladda Kenya.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com