Wasiirka A. Gudaha “Ninka wax dilay ma aheyn waardiye, ama ciidan, wuxuu ahaa qofkii labaad ee Hey’adda u sareeyay”
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dil shalay nin hubeysan u geystay shaqaale ajaaniib ka tirsan Hey’adda MSF Belgium.
C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in shilka ka dhacay xarunta ay sababtay in labo ka mid ah ajaaniibta ay ku dhintaan, isagoo tilmaamay in la soo qabtay ninkii dilka geystay oo uu ku tilmaamay nin Madax ahaa.
“Ruuxa wax dilay waardiye ma aheyn, ciidan amni ma aheyn, shaqsi caadi ma aheyn, wuxuu ahaa ninka hey’ada qof labaad ugu sareeyay, nin muddo dheer soo shaqeeyay ayy ahaa, luqadaha yaqaano waxaa ka mid ahaa Ingiriiska iyo Carabiga, muddo badan iyo meel kale duwan ayuu ka soo howl galay”ayuu yiri C/samad Macalin Maxamuud.
Wasiirka ayaa sheegay in Hey’addaha Ammaanka ay wadaan baaritaan, isla markaana waxyaabaha khilaafka keenay uu ahaa mid Hey’adda dhexdeeda yaalay, balse aanay aheyd wax siyaasad la xiriira, isagoo cadeeyay in arrintaas baaritaan ka socdo.
Mar uu ka hadlay Ammaanka Hey’adaha sama falka ayuu sheegay inay muhiim tahay in la soo wargeliyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Hey’adaha dalka imaanaya, si buu yiri looga gacan siiyo sugida ammaanka.
“Mar kale waxaan ogeysiineynaa Dhamaan hey’adaha dalka jooga, inay la soo xiriiraan wasaarada, si hey’adaha amniga ula shaqeeyaan, korna lagala socdo, inay soo diiwaan geliyaan qoryaha ammaankooda lagu sugo, si ruqsad loogu siiyo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Maalintii shalay ayay aheyd markii nin lagu magacaabo Axmed Nuur oo ahaa Kuxigeenka Logistikada ee Hey’adda MSF Belgium uu weeraray shaqaalaha ugu sareeyay Hey’adda kadib markii shaqada laga fariisiyay, iyadoo gacanta ku dhigeen Ciidamada Nabadsugida.
















