Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland oo ka Hadlay Gubasha Markab Xoolo ka Qaaday Bossaso
Bossaso ( DHM-News ):- Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Dawladda Puntland ayaa ka hadlay markab xoolo waday oo ku gubtay meel u dhow dekedda magaalada Bossaso.
Injineer Siciid Maxamed Raage Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen labo kamid ahaa shaqaalaha markabka saarnaa kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Sudan iyo India.
Waxa uu intaasi ku daray wasiirku in lasoo badbaadiyey 18-kii kale ee shaqaalaha markabka saarnaa, waxaana Soomaali ahaa 6-kamid ah shaqaalaha.
Wasiirka ayaa sheegay in markabka uu dab ka qabtay dhanka hoose ee matoorka taasi oo sababtay in ay guud ahaanba gubtaan xoolahii markabka saarnaa.
Siciid Maxamed Raage waxa uu ugu dambayntii sheegay in ay baaritaan ku samayn doonaan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyey gubashada markabka xoolaha waday.
Markabka Al Ayman ayaa xoolo isugu jira ari iyo lo’ ka qaaday dekedda magaalada Bossaso, wuxuuna kusii jeeday dalka Imaaraadka Carabta oo markabka laga lahaa.
Marwalba Iyo Waqti Walba Dhacdooyinka.com Ka Aqriso Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Soomaliya Si Aad Ulasocto Xaalada Somaliya.
Jaamac Joofane
Jaamacjoofane@gmail.com
Xafiiska Dhacdooyinka Muqdisho
NALA SOO XIRIIR dayax201@hotmail.co.uk
- Login to post comments
-

- Dhacdooyinka.com
















