Warbixin ku aadan kulanka adag ee Liverpool vs Manchester Untd.
15 Oct 2011- waa mid ka mid ah kulamada ugu adag Horyaalka ingiriiska kaas oo sanad walbaa soo mara Kooxaha aalaaba ku halgama hanashada Horyaalka Ingiriiska.
haatan waxaa maanta dhacaaya mid ka mid ah kulamadaasi waxaa isaga hor imaanaaya 2ka mid ah naadiyada xili ciayareedkaan loos aadaalinaayo hanashada horyaalka.
kooxda Liverpool ayaa howgeeda Anfield ku marti qaataysa kooxda ay cadaw ciyaareedka ba an yihiin ee Manchester Untd oo safar uga imaanaysa dhankaas iyo magaalada Manchester.
liverpool waxay kulankaan kusoo dhawaynaayaan captainkooda dhaawaca dhawaanahaanba uga maqnaa Steven Gerrard oo isagu sheegay in kulanakan ay muhiim u tahay dhankooda.
waxaana laga yaabaa in kooxda Liverpool uu noqdo hanaan ciyaareedkeeda ,1,4,5,1 waxaana macquul ah inay kusoo gasho sidan:
Reina,Kelly,Skrtel,Carragher,Enrique,Kuyt,Gerrard,Lucas,Adam,Downing,iyo L.Suarez oo dhanka weerarka ah waxana suura gal ah in Suarez dhaawac dardiis uu macalinka safi waayo kuna soo galo Carrol.
dhanka kooxda shayadiinta cascas waxay iyagu ku raali garaynaayaan weeraryahankooda Rooney oo la ildarnaa carada uu ka soo qaaday kulankii uu xulkiisa u ciyaaray ee uu calaamada casaanka qaatay,
waxaana suurta gal ah inay u ciyaarto hanan ciyaareedkan,1,4,4,2 oo inta badan usafto macalin ferguson.
dhanka ciyaaryahanada safanaaya waxaa macquul ah sidan: De Gea,Smalling,Ferdinand,Vidic,Evra,NaNI,Fletcher,Anderson,Young,Rooney,Chicharito.waxaana macquul ah in uu kusoo hormaro wellback.
macalinka kooxda Man Untd ayaa sheegay inay muhiim tahay hanashada 3da dhibcood ee kulankaasi,waxa uuna intaasi raaciyay inuu maanka ku haayo in liverpool ay tahay naadi aad u adag.
Tababaraha liverpool ayaa isna sidoo kale shaagay isagoo meesha ka saaray in ciyaaryahanadiisa ay kulanakasi natiijo la aan kala kulmayaan.
taariikh ahaan kooxda Untd-ka lagama adgaan tan iyo bilowgii horyaalka waxayna haatan hogaanka u haysa jadwalka kala horeynta waxayna leedahay 19dhibcood.
manchester Untd 3deedi kulan ee u dambeeyay ee ay ku ciyaarto garoonka Anfeild ee kooxda liverpool maysan helin wax guul ah taas bedelkeedana waxay ka soo xambaarsatay guul daro,
liverpool iyadu waxay kaalinta 5aad ka fadhisaa jadwalka horyaalka waxayna haysataa 13dhibcood.waxayna wali diyaar u tahay inay daafacado kulamada hoygeeda ay kula ciyaarayso manchester Untd oo ay hiigso isledahay.
shantii kulan ee u dambeesay ee ay ciyaaraan 2daan koox waxaa lasii yahay 4gool ku laad ,daafaca kooxda untd ahna Captainkooda ayaa 3jeer calaamada casaanka ah qaatay kulamadii ay la ciyaareen liverpool, halka gool hayaha kooxda leverpool REina uu badbaadiyay rigooradii u dambeesay sanadii 2010 waxa uuna ka qabtay weeraryahanka kooxda shayatiinta cascas rooney.
Sidoo kale waxaa dhacaaaya kulamo kale oo aad u adah waxaana ka mid ah:
kooxda Chelsea ayaa gurigeeda kusoo dhawaynaysa kooxda Everton.
manchester City oo ku xisaabtami doonta natiijada kasoo baxda kulanka liverpool vs man untd ayaa iyana marti galinaysa naadiga Aston Villa.
Mohamud hassan idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com
















