Wararkii ugu dambeeyay Xaalada degmada Buuhoodle oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka socdaan

DaabacoSaaxib u dir

Ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka cusub ee Khaatumo State ayaa ku qul qulaya Magaalada Buuhoodle, halkaas maalin ka hor duleedkeeda uu ka dhacay dagaal ba’an oo dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa ka soo jeeda deegaanka oo taabacsan Maamulka Khaatumo.
Wararka laga helayo Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo State ay gaareen magaalada, kuwaasoo wada dhaq dhaqaaq iyo diyaar garow ciidan, sidii dib loogu rogaal celin lahaa Ciidamada Somaliland ee duleedka Buuhoodle saldhiga ku leh.
Wafdiga ka socda Maamulka Khaatumo State ee bartamihii bishan looga dhawaaqay Magaalada Taleex ayaa abaabulkooda la xiriiraa sidii deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn looga saari lahaa Somaliland.
Qorshaha Wafdiga ayaa ah sidii uu u saldhigan lahaa Maamulka Khaatumo State Magaalada Laascaanood oo noqon doonta caasimada Maamulkan.
C/risaaq Xaaji Bakeyle oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay qasaare adag gaarsiiyeen, gawaarina ka gubeen, isagoo xusay in saddex maxbuus ay ka soo qabteen, oo mid ka mid ah dhaawac yahay.
Mr Bakeyle ayaa dhinaciisa sheegay inay kaga dhinteen dagaalka 25-ruux, halka labaatan kale dhaawacmeen, isagoo dhinaca Somaliland sheegay inay ka dileen 33-ruux sida uu yiri.
Waxaa soo baxaya baaqyo ka imaanaya Culumaa’udiinka oo ku aadan in colaada la joojiyo, waxaana Culumaa’udiin ka kala hadashay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ay soo jeediyeen in colaada dhiiga ku daadanaya la joojiyo.
Maamulka Somaliland ayaa ku hanjabay inay cagta marin doonaan shaqsiyaad ay sheegeen inay wadaan inay kala goo-gooyaan wada jirka Somaliland, iyadoo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu sheegay in Ciidamadiisa tallaabo ka qaadeen Koox Hubeysan.
Xiisadaha colaadeed ee ka taagan Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa ah mid sii xoogeysanaya oo waji cusub oo loolan siyaasadeed iyo mid milateri ay gelisay Goboladaas.