Wararkii ugu dambeeyay Gobolka Mudug ka dib Dilkii iyo weerarkii shaley
Gaalkacyo(Puntlandi.com) Magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid maanta si aad ah u degan ka dib markii falal dambiyeedyo ay shaley ka dhaceen Magaalada, Dilkii mid kamid ah Gudoomiyayaasha degmooyinka iyo weerarkii lagu qaadey Garoonka diyaradaha ayaa dhaliyey in ay masuuliyiinta Gobolka múcaarad iyo muxaafidba ay fadhiga ka kacaan, waxaana socda Wadahadalo iyo xiriiro hoose oo u dhexeeya maamulka gobolka, degmada, Masuuliyiinta jooga magaalada nooceydoonaan ha ahaadeene iyo maamulka sare ee Dowlada.
Warar hoose ayaa noo xaqiijiyey in ay Puntland ku dadaalayso nabada balse aysan dulqaad dambe yeelaneyn hadii weerar dambe yimaado ama xurguf dambe ay maqlaan,Waxaana socda abaabul wayn oo lagu sugayo amaanka Garoonka iyo magaalada, arintaan ayaa timid markii Qaylo dhaan kasoo yeertey maamulka Koonfurta Gaalkacyo oo sheegey ineysan wax lug ah ku laheyn weerarkii iyo dilkii balse ay jiraan kooxo fidmawadayaal ah oo doonaya inuu deegaanka qas ka dhaco, waxay kaloo sheegeen in ay ku daba joogaan kooxii weeraray garoonka ayna kala shaqeynayaan Puntland ka hortaga faldambe oo dhaca.
Qaar kamid ah Masuuliyiinta Gobolka ayaa ka biya diidan hadalada kasoo yeeraya koonfurta kuna tilmaamey kuwo aan sal iyo raad laheyn oo u baahan inaan dhag loo jalaqsiin, masuulkaan oo magaciisa codsadey inaanaan sheegin wuxuu yiri” Hadalkaan kasoo yeeraya koonfurta waa mid aan mar walba maqalno, waa inaan si toosa talaabo uga qaadnaa weeraradaan joogtada ah, dulqaadkii waa dhamaadey, nabada ma inaga kaliyaa rabna,”
Dhinaca kale Masuuliyiinta ugu sareysa Gobolka iyo Isimada gobolka ayaa maalmahaanba ku sugna Garowe, waxaana hada socda kulamo deg deg ah oo looga xaajoonayo amaanka Mudug.
Puntlandi.com
Gaalkacyo
















