Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya wasiirkii shalay lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya wasiirkii waxbarashada maamulkagalmudugStateee shalay laga afduubtay magaalada Gaalkacyo ee xarynta gobolka Mudug, sababta keentay afduubkiisa oo lagu kala sheegay dhowr qodob.
Sida warku sheegayo gabaldhicii shalay ayaa la sii daayey wasiirka waxbarashada ee maamulka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo ay shalay kooxo hubeysani ku afduubteen gudaha magalada Gaalkacyo gaar ahaan K/Magaalada Gaalkacyo. 
Sababaha keenay afduubka wasiirka ayaa lagu kala sheegay in wasiirka loo afduubtay wiilyar oo afduub loo heysto oo loogu abaalguday, kaas oo la sheegay in wasiirka uu dhexdhexaadin ka dhexwaday, halka wararka qaarna ay sheegayaan inay afduubteen kooxo burcad badeed ah oo wasiirka ka doonayey lacag, lacagtii markii ay ka waayeenna iska soo daayey, warar sedexaad ayaa waxay sheegayaan in wasiirka loo afduubtay aano qabiil, inkastoo warar ay u badanyihiin in wasiirka loo afduubtay wiilka yar ee afduubka loo heysto dartiis. 
Wasiir Burhaan Warsame Cigaal oo ka hadlay afduubka loo geystay ka dib markii uu dib u helay xorriyaddiisa ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay gurigiisa ka wateen, kuwaas oo uu sheegay inay ula dhaqmeen si wanaagsan, wuxuuna intaasi ku daray in sababta loo afduubtay ay tagay wiilka yar ee afduubka loo heysto oo uu isagu si damaanad ah ku sii daayey. 
“Subaxnimadii hore ayey kooxo hubeysan iga ka xeysteen gurigayga, waxayna ii sheegeen inaysan wax dhib ah ii gaarsiinaynin, laakiin loo soo diray, waan raacay, waxay i geeyeen guri weyn oo ku yaala banaanka magaalada Gaalkacyo, qof ayey keligay igu xireen, saacado ka dibna inta ii yimaadeen ayey I yiraahdeen waad fasaxantaahy, waxayna I keeneen meeshii ay markii hore iga qaadeen iyaga oo aan wax intaasi dhaafsiisan ii sheegin” ayuu yiri wasiirka waxbarashada maamulka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo ay shalay afduubteen kooxo hubeysan. 
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in loo heysto oo loo afduubtay wiil sideed jir ahaa oo uu ka sii daayey kooxaha burcad badeeda oo afduub u heystay, kaas oo uu si damaanad ah ku sii daayey wasiirka, waxaana hadda ay ku sheegteen wasiirka lacag dhan boqol iyo lixdan kun oo doolarka Maraykanka ah inay ku leeyihiin, iyadoo lacagtaasina uu wasiirku ku sheegay inay ku doonayeen inay ku gataan wiilka yar ee uu damiin ahaanta uga sii daayey sida uu yiri. 
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Aweys Cali ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah dableydii afduubatay wasriika, ayna sharciga horkeeni doonaan, haddana ay xabsi ku jiraan.