WAR DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Shariif Xasan uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu difaacay xil ka qaadista lagu sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu kaga hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in Xildhibaanada ka soo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku dhaqaaqeen wax ka baxsan Sharciga, isagoo intaasi ku daray inaysa jebiyeen Sharciga.
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay in loo-baahan yahay in uu maanta cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed, ee ku aadan khilaafka Baarlamaanka, isagoo cadeeyay inuu si toos ah uu uga soo horjeedo tallaabada xilka looga qaaday Shariif Xasan.
“Waxaa loo-baahan yahay inaan cadeeyo mowqifkeega, tallaabada xilka looga qaaday Shariif Xasan waa mid Sharci daro ah, Xildhibaanada waxay jebiyeen Sharciga, waxaad ogtihiin in kooromka aysan dhameyn Xildhibaanada xilka ka qaaday, taas waxaa cadeyneyso sawirda laga qaaday, waxaad kaloo ogtihiin in uu meesha yaallo heshiiskii Kampala” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ay u kala qeybsameyn labada dhinac, sidaasi daraadeed uu ka dhex sameeyay waan-waan, balse wuxuu sheegay inay ku soo dhamaatay fashil.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu ugu dambeen uu Xildhibaanada uu ugu baaqay inay ka laabtaan go’aank ay qaateen, oo uu ku sheegay mid qaldan.
















