WAR DEG DEG: Ciidamo ka socda Jabuuti oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Ciidamo ka socda Jabuuti ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo caga dhigatay diyaaradii siday Ciidamada oo gaaraya boqolaal.
Diyaarada oo ah kuwa Ciidamada qaada ayaa waxaa ugu horeyn ka soo degay Abaanduulaha Ciidamada Jabuuti oo hogaaminaya ciidamada, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Safiirka Jabuuti ee Muqdisho u fadhiya iyo Saraakiil ciidan.
Qaban qaabada soo dhoweynta Ciidamada oo tan iyo saaka ay socotay ayaa waxaa garoonka ku sugnaa dadweyne fara badan iyo kooxda Muusikada Baambeyda oo loo sii diyaariyay.
Ciidamada Jabuuti ee maanta Muqdisho soo gaaray ayaa ahaa balan qaad horay dowladda Jabuuti sameysay in Soomaaliya Ciidamo u soo direyso, si howl galka Amisom uga qeyb galaan.
Saraakiisha Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhoweeyay Ciidamada Jabuuti ee ka soo degay garoonka.
Jabuuti ayaa noqoneysa dalkii saddexaad ee ku soo biira howl galka Amisom, waxaa horay u joogay Ciidamo ka kala socday dalalka Uganda iyo Brundi.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe