Wakiilka Midowga Africa Soomaaliya Oo Maanta Soogaaray Muqdisho
Muqdisho (RBC) Waxa maanta barqadii magaalada Muqdisho soo gaaray wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan arrimaha soomaaliya madaxweynihii horre Ghana danjire Jerry Rowling kaa oo lagu wado in uu kulamo la qaato madaxda dowladda KMG ah.
Danjire Rowling ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu si toos u tagay xarunta Midowga Africa ee AMISOM ee Xalane halkaas oo saalan sharaf kaga qaatay ciidamada AMISOM .
Waxa markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaas oo hadda ay kulamo ku la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Lama ogga wax yaabaha ay ka wadahadli doonaan, laakin danjiraha midowga Africa ee soomaaliya waxa maalmihii ugu dambeeyay waday dadaalo ku aadan siddii la isku soo dhaweyn lahaa mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya.
Sidoo kale waxa lagu wadaa barito in uu lakulmo Jary Rowling Xildhibaanada taageersan Madoowe Nuunow Maxamed.
Wakiilka midowga Africa ee arrimaha soomaaliya ayaa dhawaan waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay xildhibaanada kala taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoowe Nuunow Maxamed oo labadooda sheetay mid kasta in uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya.
Si kastaba, shirkii 21-aad ee kooxda xiriirka caalamiga arrimaah soomaaliya ICG ee ku soo dhamaaday dalka Djibuti wax yaabaha la isku raacay waxa ka mid ah in hal meel looga soo horjeesto xildhibaaanada diidan in uu Shariif Xasan Sheekh Aadan u yahay Afhayeenka Baarlamaanka.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhowr bil ka hor waxa xilka ka qaaday qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka kuwaas oo guddoomiye u doortay Xildhibaan Madoowe Nuunow Maxamed.
Ma cadda immaashiyaha danjire Rowling caasimada Muqdisho in ay la xiriirto in la dhameeyay khilaafka ka dhexjira baarlamaanka.
Wixii ku soo kordha warkan iyo faah faahin gordhow naga filo haddii alle idmo
















