Waftigii Ugaaska Gadabuursi oo si weyn loogu soo dhaweeyey Boon iyo Quljeed

Quljeed(Saylac.com)- Sadexdii galabnimo ee maanta waxan galay quljeed si’wayn loogu soo dhaweeyey  ugaaska Samaroon Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas doodi iyo wafti balaadhan oo uu horkayey oo socdaalo kala duwan ugu sii jeeda degmooyinka xeebta ee gobolada Awdal iyo Salal. Waftigan oo ay dadweynaha reer Quljeed si diiran usoo dhaweeyeen ayaad arkaysay safaf dhadheer calemo qoyan fagaaraha oo ay dadweynuhu dariiqyada la taagan yihii. Ugaaska ayaa dadweynaha reer Quljeed kula hadlay fagaaraha loo yaqaano Geedka Ugaaska Samaroon ee ku yaala magaalaada Quljeed oo ah goobtii Ugaaska lagu caleemo saarey sanadkii 1985.
Sidoo kale waftiga uu ugaasku horkacayo ayaa usii gudbay magaalada caanka ah ee Boon halkaas oo ay ku lahaayeen casho sharaf dadweynaha reer Boon ayaa waftiga Ugaaska kala horyimid dariiqa u dhexeeya labada magaalo ee Boon iyo Quljeed halkaas oo ay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sayliciga iyo wilwilaha oo goboladani caan ku yihiin ugu soo bandhigeen Ugaaska.
Waftiga oo lagu wado inuu gaadho magaalada qadiimka ah ee saylac ayaa caawa u dhaxay magaalada Boon waxaanad arkaysaa dadweyne aad ubadan oo kusoo qulqulaya magaalada Boon si ay fursad ugu helaan aragtida Ugaaska Beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashid Ugaas Roble Ugaas Doodi oo ay in mudo ahba kala baadeen.
Saylac.com oo waftiga ugaaska la socota kala soco si toosa maqal iyo muuqaal kala soco