Uganda oo ciidamo u direysa Muqdisho
Madaxweynaha Uganda, Yuweri MusaveniDowladda wadanka Uganda ayaa sheegtay in ciidamo tiradoodu ay dhan tahay 2 kun oo askari ay u direyso Soomaalia, si ay uga qeybgalaan soo celinta ammaanka magaalada Muqdisho.Madaxweynaha Ugandha, Yuweri Musenei, ayaa sheegay in wadankiisa uu 2 kun oo askari oo dheeraad ah uu u dirayo Soomaliya, si ammaanka caasimadda oo ay baneeyeen maleeshiyada Al-Shabaab loo sugo.Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, Paddy Akunda, ayaa sabtidii u sheegay wargeysa Monitor ee ka so baxa magaalada Kampala in ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga ay guda galayaan wajiga labaad ee howlgallada lagu xoojinayo nabadda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.Taliyaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, sareeye-guuto, Fred Nugisha, ayaa dhowaan codsaday in ciidamo dheeri ah oo ka socda Midowga Afrika la keeno Soomaaliya, si loo wajaho wajiga cusub ee howlgallada Muqdisho.Ciidamo gaaraya sagaal kun oo askari oo ka kala socda wadamada Uganda iyo Burundi ayaa ka qeybgalaya howlagalka Midowga Afrika ay ka wado Soomaaliya, iyadoo dhowaan ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ay ku guuleysteen in Al-Shabaab ay ku qasbaan inay isaga baxaan magaalada Muqdisho.Maqaaladda La Xiriira:
- Uganda oo ciidamo dheeraad ah u diraysa Soomaaliya
- Uganda oo ciidamo dheeraad ah u diraysa Soomaaliya
- Qorshe ciidamo dheeraad ah loogu soo dirayo Soomaaliya
- Login to post comments
-

- Bar-kulan.com
















