UCID garabka Waqaf/Ciro oo dalbaday in Maxkmada Khilaafka Xisbiga dhegeysaneysa dib loo dhigo

Hargeysa Aug 24,2011(qurbejoog.com)-Xubnaha xisbiga mucaaridka ee UCID ee hore u shaaciyay in ay xilkii ka qaadeen Guddomiye Faysal Cali Waraabe isla markaana dacwad ka dhan ah u gudbiyay maxkamada dalka ayaa waxa ay dalbadeen in dhegeysiga dacwadooda dib laagu dhigo.
Ma cada sababta ay u dalbadeeen dhegeysiga dacwada in dib loogu dhigo iyada oo in mud ahba laga dhur sugayay goaanka maxkamada.
Dadaka qaar ayaa waxa ay ku sifeeyeen dalabkan ay sameeyeen garabka Waqaf iyo Ciro hogaamiyaan in uu salka ku hayo Wasiiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Xaaji Xasan oo dalka safar uga maqan awgeed in u dalbadeen dib u dhigida dhegeysiga dacwada.
Welise wax war ah oo ku saabsan dalabkan kama soo yeedhin dhinacyada isku haya hogaanka xisbiga xisbiga UCID.
Dalabka dib u dhigida dhegeysiga Dacwada khilaafka UCID ayaan noqon mid suurta gala oo waxa la gudo geli doonaa maalinta berito ah.
Magaalada Hargeysana durba waxa laga dareemay saameynta ay dacwadan iyada oo aad arkeyso iswediinta dacwadan oo ku badatay dad reer Hargeysa.
Waxaana dhici karta in ay goaanka ay maxkamadu ka soo saarto cida sharciyan leh hogaaminta xisbiga UCID in ay ka dhalato khalkhal amni oo aan iminka loo baahneyn.
Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com