TV Malaysia Laga Leeyahay Oo Sheegay Mid Kamida Suxufiyiintiisa In Muqdisho Lagu Dilay

Noramfaizul Mohd Nor oo 41 jir ah oo ka tirsan Bernama TV oo laga leeyahay dalka Malaysia ayaa ciidamada AMISOM toogasho ku dileen gudaha magaalda muqdisho.
saxafigan oo la socday hayad gargaar oo dalka Malaysia ka socotay isla markaana ka qaybqaadanaysay arimaha gargaarka bani aadamnimo ee loogu gurmanayo dadka ku barakacay abaaraha somaliya.
saxafigan oo gaadhi ku dhex marayay magaalda muqdisho ayaa lagu lagu toogtay meel u dhaw Kilometer Four. sida uu u sheegay wakaalada wararka ee AP mid kamida saraakiisha amaanka ee ciidanka dawlda ku meel gaadhka somaliya kaas oo magaciisa aan la xusin maadaama aan fasax loo siin inuu bixiyo warbixin ayaa sheegay in ciidamada AMISOM rasaas ku fureen gaadhiga uu saarnaa wariyahan halkaasna uu ku dhintay.
ramadnews.com
ramadnews@gmail.com

Share