(Top-News) Tirada ciidamada AMISOM oo la kordhinayo
Kampala:- Sarkaalka ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga waddanka Uganda Gen. Jeje Odongo ayaa sheegay in baahi badan loo qabo kordhinta tirada ciidamada AMISOM ee iminka Jooga Soomaaliya si ay uga guulaystaan kooxda Al-Shabaab .
Mr. Odongo ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in la tayeeyo ciidamada AMISOM lagana gacansiiyo si dadka Soomaalida ay nabad ugu dhaliyaan, wuxuuna eedeeyay midowga yurub inay ka gaabisay taageerada ciidamada AMISOM iyo dowladda, isagoo ugu baaqay in Midowga Yurub ay ka dhex muuqdaan kaalmada la siinayo ciidamada AMISOM.
Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay dalalka Afrika ee horrey ugu yaboohay inay ciidamo Soomaaliya keenayaan ay fuliyaan ay fuliyaan ballamadii ay qaadeen.
Sarkaalkan ayaa hadalkaan ka sheegay xaflad lagu xusayay tiro ciidamada Uganda ka tirsan oo Soomaaliya ku geeriyooday, waxaana xafladaasi ay ka dhacday Serena Hotel oo ku yaala bartamaha caasimadda kampala.
Genenal Nathan Mugisha oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo xafladda ka qeybgalayay ayaa sheegay in howgallada AMISOM ee Soomaaliya intooda badan lagu guulaystay ayna wiiqeen awoodii ka soo horjeeday oo ah Al-Shabaab,isagoona u mahad celiyay ciidamada Kenya oo dhankooda ka qeybqaatay howgalka.
Saraakiil badan oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa xafladaasi ka soo qeybgalay, waxaana ka mid ahaa Col. Peter Elwelu, Col. Godfrey Golooba, Col. Francis Kyemo, Sgt. Sarah Chebet iyo Sgt. Pricilla Atim.
Ugu dambeyntii, Uganda ayaa iminka hadda gudaha Soomaaliya ka jooga ciidamo aad u tira badan, kuwaasoo ku shaqeeya magaca AMISOM, iyagoona garab ka siiya ciidamda dowladda KMG ah ee Soomaaliya dagaallada ay ku jiraan xarrakada Al-Shabaab.
Xafiiska allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
allsomali24@yahoo.com
Muqdisho – Somalia
















