Toogasho Lagu Dhaawacay Maayarka Degmada Qoryaale Ee Gobolka Togdheer

Burco (Somaliland.Org)- Maayarka degamada Qoryaale ee Gobolka Togdheer mudane Bili Jaamac Muuse ayaa shalay dhaawac culis ka soo gaadhay fal toogasho ah, kadib markii uu rasaas ku weeraray nin hubaysani.
Maayarka degmada Qoryaale ayaa sida la sheegay dhawaac culus ka soo gaadhay bawdada , waxaana maayarka dhaawaciisa la soo gaadhsiiyay magaalada Burco.
Waxa maayarka hadda lagu dawaynay cisbitaalka Guud ee magaalada Burco. Lama magarayo ilaa hadda sababta ka dambaysay falkaasi toogashada ah.
Balse Ciidamada amaanka Degmada Qoryaale iyo guud ahaan kuwa gobolka ayaa ku hawlan baadhista falkan, isla markaana ku daba jiri sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dambiilaha toogashada u geystay maayarka degmada Qoryaale Mudane Bile Jaamac Muuse.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com