Tiknoolajiyada & Sayniska: Adeegga 3G ee laga hirgeliyay deegaannada Somaliland
Barnaamijka Tiknoolajiyada iyo sayniska waa barnaamij toddobaadle ah oo aad idaacadda Bar-kulan ka dhageysan karto maalin kasta oo Sabti ah warka 07:00 AM kaddib.Toddobaadkan barnaamijka waxaan ku soo qaadanaynaa adeegga 3G ee laga hirgeliyay deegaannada maamulka Somaliland.Waxaan sidoo kale barnaamijka ku soo qaadaneynaa qodobbo kale oo ay ka mid yihiin:Wasiir ka tirsan xukuumadda Ruushka oo soo jeediyay in la xaddido internetka.Waalidiinta oo la socon kara carruurtooda kaxeyneysa baabuurta.Warar qubanayaal ah oo ku saabsan tiknoolajiyada.Iyo xubinta talada ee barnaamijka oo maanta ku saabsan sida wax looga raadiyo hab-dhiska waxbaaraha internetka.Barnaamijka waxaan ku wareysanaynaa Cabdinaasir Cawed Muuse oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee shirkadda Somtel, wuxuu joogaa magaalada Hargeysa.Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose.2011-08-06-Barnaamijka-Tiknoolajiyada-iyo-SayniskaMaqaaladda La Xiriira:
- Tiknoolajiyada & Sayniska: Sida ay bulshada Soomaalidu uga faa’ideysato adeegga internetka Q2.
- Tiknoolajiyada iyo Sayniska: Sida ay bulshada Soomaalidu uga faa’ideysato adeegga internetka.
- Tiknoolajiyada & Sayniska: Tiknoolajiyada iyo warbaahinta (Internet go’ay oo saameeyay warbaahinta Muqdisho)
- Login to post comments
-

- Bar-kulan.com
















