Tevez: Mancini waxa uu ila dhaqmay sidii ‘Eey’ loola dhaqmo oo kale.
Carlos Teves ayaa dib ugu soo laabanayo England talaadada laakiin waxa uu ku eedeeyay tababaraha Manchester City Roberto Mancini in uu ula dhaqmay sida ay eeyga oo kale.
Weeraryahanka ayaa dib u maleecsaday dagaalkii af ka ahaa ee dhex maray isaga iyo Mancini kulankii Champions League ay wajaheen Bayern Munich taasoo uu diiday in uu badal kusoo galo ciyaarta.
Teves ayaa dib ugu soo laabanayo Etihad Stadium si uu mustaqbalkiisa kubada cagta uus iiw ato kadib markii uusan lug garoon soos aarin muddo ku dhow seddex bilood iyo bar.
“Si xun ayaan dareemay markii uu badalay (Edin) Dzeko uuna keenay (Nigel) de Jong anagoo labo gool nagula leeyahay, waana badal difaac ah waxaan go’aansaday inaan kursiga keydka fariisto,” ayuu ciyaaryahanka reer Argentina ku sheegay wareysi uu siiyay Fox Sports.
“Horey ayaan isku kululeeyay 10 daqiiqo ka hor, waxa uuna ka doorbiday in 4-0 looga badin lahaa in looga badiyo 2-0,”.
“Markii aan fariistay Dzeko ayaa soo fariistay isagoo xanaaqsan waxa ayna bilaabeen in ay tababaraha murmaan,”.
“Dzeko waxa uu ku hadlaayey Bosnian halka Mancini uu ku dhaaranaayey af Talyaani taasoo niyad jab ahayd,”.
“Ima arkeynin inaan fariistay maxaa yeelay dood ayuu ku jiray. geesaha ayuu fiiriyey waxa uu arkay anoo fahdiyo intaas kadib maxaa dhacay,’.
“Muran weyn ayuu dhexda u galay waxa uuna ii sheegay inaan is kululeeyo waxa uuna ila dhaqmay sida ayga oo kale,”.
“Markii uu cod dheeri ah u hadlay, aniga waxaan dhahay ‘maya ma alamiiteenayo,”.
“Waxa uu bilaabay in uu aniga ii booteeyo. waxaad ka arki kartaa sawirada aniga waxaan la sheekeysanaayey (Pablo) Zabaleta. laakiin Mancini waxa uu igu dhahay hadalo aad u xun,”.
“Hadii aan qaldanaa, waxaan dhahayaa raali ahow. Waxaan si daacadnimo ku jirto aan u aaminsanahay inaanan qalad sameynin,”.
“Hadii ay Mancini run ka tahay inuu kooxdiisa ugu soo darsanayo, dabcan waa jeclaan lahaa. Hadii lakiin uu ugala jeeday kaliya inuu saxaafad uun ka sheegay markaas maya”
- Login to post comments
-

- SomGoal.com
















