Sirdonka wadanka ingiriiska oo ku dhawaaqay in dhalinyaro soomaali ah oo heysta basaboro british ah ay ka garab Dagaalamaan Al shabab.

Hay’adaha sirdoonka wadanka Ingiriiska ee MI 5 & MI 6 ayaa war ay soo saareyn waxay ku sheegeen in tiro badan oo dhalinyaro Soomaali ah oo Ingiriiska kasoo tagay ay la joogaan oo ay ka garab dagaalamaan Xarakadda Al-Shabab oo dagaalo kula jirta dawlada KMG AMISOM iyo ciidamada Kenya.
Madaxa hay’adda sirdoonka ee MI 5 Jonathan Evans ayaa u sheegay wargeyska The Guardian ee Ingiriiska kasoo baxa inay hayaan xog ku saabsan in ku dhawaad 100 ruux oo uu kala dhashay wadamada Soomaaliya, Bangladesh, Pakistan iyo wadamada kale ee galbeedka qaaradda Africa dhaca oo haysta baasabooro Ingiriis ah ay ku biireen ama xiriir la ay leeyihiin Xarakadda Al-Shabab waxaana uu intaa ku daray in xogta ay hayaan ay muujineyso in dadkaan ay qaarkood qaateen tababaro kadib markii ay Soomaaliya yimaadeen oo ay willi ka garab dagaalamaan dagaalyahanada Al-Shabab
Sarkaalkaan madaxda ka ah hay’adda MI 5 ee sirdoonka dawlada Ingiriiska u qaabilsan waxaa uu sidoo kale xusay in xubno ka tirsan Al-Shabab ay dadka ku dhiira galiyaan inay iyaga ku biiraan oo ay dagaal galaan waana taas ayuu yiri mida keentay in dad badani oo Jihad doon ah ku biiraan.
Jonathan Evans waxaa uu sidoo kale hadalkiisa ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin in xubnahaan mar ku biiray Al-Shabab ay dib ugu laabtaan Ingiriiska kadibna ay geystaan xaalado amaan xumo iyo qaraxyo laga argagaxo.
Labadii sanno ee lasoo dhaafay ayuu sheegay inay aad u kordheen dadka Soomaalida ah iyo kuwa aan aheyn ee doonaya inay xubno ka noqdaan Al-Shabab oo ay dagaalo ka qeyb qaataan.
Al-Shabab ayaa horey loogu eedeeyay inay tiro badan oo dhalinyaro Soomaali ah kasoo wateen wadanka Maraykanka iyadoona sidoo kale la sheego inay ka garab dagaalamaan dagaalyahano aan Soomaali aheyn
Todobaadyo ka horna booliska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 2 ruux oo midkood u dhashay dalka Bangladesh oo wata baasabooro British ah doonayayna inay ku biiraan Al-Shabab
 Xafiiska Muqdisho