Sidee loo dilay Bilaa Al-Barjaawe? Faahfaahin ka soo baxeysa qaabkii duleedka Muqdisho loogu dilay sarkaalkii al Shabaab ka tirsanaa

 

Waxaa iska soo daba-dhacaya warar ku saabsan qaabkii loo dilay mid ka mid ah saraakiisha ajaaniibta ah ee al Shabaab ka tirsan, sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Bilaal Al Barjaawe.

Guud ahaan warbaahinta caalamku waxay isku raaceen in Al Barjaawe uu ku dhintay saddex gantaal oo laga soo ganay diyaarad dagaal oo aan duuliye wadan xilli uu marayay duleedka magaalada Muqdisho.

Waraku waxay intaas ku sii darayaan in Bilaal goobta uu joogu lagu ogaaday telefoon uu kula soo xiriiray Xaaskiiska oo saacado kooban kahor dilkiisa ku umushay Cusbitaal ku yaal magaalada London sida laga soo xigtay qaraabadiisa ku sugan London.

Bilaal wuxuu heystaa jinsiyadda dalka Ingiriiska laakiin wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Lubnaan, Lubnaanna wuxuu isagoo dhalaan ah oo qoyskiisa la socda ka soo guuray mudo hore.

Si kastoo ay ahaataba waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in xubnaha al Shabaab ee ajaaniibta ah ay la soo dersay cabsi xooggan iyo welwel, waxaana taas sii dheer in kala dudud iyo shaki uu soo kala dhexgalay madaxda al Shabaab ugu sareysa ha ahaadaano ajaaniib ama Soomaaliye.

halgankanet@gmail.com