Shariif Oo Shacabka Ugu Yeeray Nabadda

Muqdisho – GMN - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilli uu booqanayey Degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir waxa uu sheegay in Degmada markii hore oo uu yimid iyo maanta uu u dhexeeyo isbedel weyn, waxa uuna sheegay in Dowladda KMG Soomaaliya ay Shacabkeeda diyaar ula tahay in lagu mideeyo hab cadaalad ah oo lagu hormariyo hab nabadeed lana soo celiyo Sharafkeedii iyo karaamadeedii sida uu sheegay, isagoo intaa raaciyey in Dowladduu ay danaynayso in Magaca xun ee u baxay laga tir tiro Magacoodii wanaagsanaana la soo celiyo isagoo farta ku fiiqay in arrimahaas oo dhan lagu gaari karo in gacmaha la is qabsado dhammaan shacabka Soomaaliyeed Rag iyo Dumarba.
Madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada Shaqeeyo nabadda, isagoo hoosta ka xariiqay in la doonayo fursadii luntay mudadii labaatanka Sano ahayd oo uu dalka bur burka ku jiray in la sameeyo wixii lagu ilaawi lahaa oo wanaag ah.
Waxa uu intaa raaciyey Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya in Dowladda ay wado in Magaalada Iskuuladeedii ay dhisto si ay ardayda waxbarasho u helaan, sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladdu ay wado sidii lagu heli lahaa Biyo nadiif ah oo qarashkoodu yar yahay, dib u dhisna lagu sameeyo dhismooyinka Bur bursan ee Magaalada Muqdisho, adeegyadii bulshadana lasoo celiyo sida Isbitaalada IWM.
Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale ka mahad celiyey dadka sida uu sheegay u bislaaday Dowladnimada oo baaqii Dolwadda sida deg dega ah oo nabadda ah uga jawaabay, islamarkaana wareejiyey xarumihii loogu adeeji jiray Bulshada si loo diyaariyo in bulshada ay mar kale u adeegaan, isagoo soo hadal qaaday in degmada wardhiigleey la baneeyey goobo ay ka mid yihiin laamihii Bangiyada, iskuulada iyo Suuqyada.
Hadalkan ayaa Madaxweyhana Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu maalintii Shalay ka jeediyey Degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir iyadoo Dowladda KMG Soomaaliya maalmihii dambe ay waday howlgallo ay kula wareegeyso dhismooyinkii Dowladii Dhexe oo gacanta u galay dadka shacabka ah.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com