Shabaabka Gedo oo xukun garbaash ku fuliyay Haweeney umusha soo dhameysatay oo Fal Zino gashay
Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolka Gedo ayaa shalay gelinkii dambe meel fagaare ah oo ku taal degmada Baardheere xukun garbaash ah kula fulisay Haweeney gashay Fal Zino ah. Gudoomiyaha Maxkamada Shabaab ee Gobolkaas Sheekh Yuusuf Xasan Isaaq ayaa sheegay in haweeneyda horay Maxkamada ay ugu riday xukunka garbaash ah 100-jeydal, maadaama aysan soo marin wax guur [...]
















