Shabaab oo weerar ku qaaday gaari qaad siday

Afmadow(GMN)-Ciidamada Ururka shabaab ayaa lagu soo waramayaa in meel u dhaxeysa Afmadow iyo Taabto ee Gobolka Jubbadda Hoose ay ku weerareen gaari qaad siday isla markaana ka yimid degmada dhoobley.
Weerarka shabaab ay ku qaadeen gaariga ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen 5-ruux oo saarnaa gaariga  halka tiro intaasi ka badana la sheegay inay ku dhaawacmeen.
Afayeenka dhanka howlgalada shabaab ayaa sheegay in gaariga ay rasaasku ku fureen ciidamadooda ay saarnayeen ciidamo kenyan ah isla markaana ay gaarsiyeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac.
Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa weerarka ay dadka ay ku laayeen waxa uu ku tilmamay inuu ahaa mid qorsheysan isla markaana ay gubeen gaari ay saarnayeen ciidamo kenyan ah.
Dadka weerarka ku dhawacmaya ayaa la sheegay in loola cararay goobo caafimaad oo ku yaala Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbadda Hoose.
Deegaanada Gobolada Jubooyinka ayaa waxaa howlgalo militiri ka wada ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada KMG Soomaaliya iyadoo mararka qaarna halkaasi ay ka dhacaan iska hor imaadyo hubeysan.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com