Shabaab oo gooracay Wiil nool degmada Dayniile

Dadka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa maalmahan lakulmaya dilal kala duwan oo qaarkood udhacaya si arxan dara ah.
Wiil dhalinyaro ah oo qoorta laga jaray ayaa lasoo dhigay Degmada sida uu xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa laxigto.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
Wiilka qoorta laga jaray ayaa da’diida lagu qiyaasay 16 jir ilaa 17 jir waxaana goobta keenay gaari ay lasocdeen Ciidamada AL-Shabaab.
Boqolaal dadweynaha ah ayaa indhahooda kusoo arkay Wiilka qoorta laga jaray waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsan karin.
Qof diiday in magaciisa lashaaciyo oo lahadlay Raadiyaha Dowlada ayaa yiri “Markii aan masjidka u galaynay Salaadda Maqrib ma uusan oolin meydka meesha balse markii aan Salaadda kasoo baxnay kadib ayaan aragnay gaari kuwa dagaalka ah oo Maleeshiyo afafka u duuban yahay ay saaran yihiin waxayna meesha soo dhigeen nin ay qoorta kasoo gooyeen wayna nakala eryeen markii ay arkeen inaan u jeedno”
Maalmahan ayaa Waxaa Magaalada Caasimadda ah kusoo badanayay dhalinyarada ay qoorta ka goynayaan Al-Shabaab oo ay soo dhigayaan meelaha ay shacabka kusugan yihiin.
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
cabdulaahi_heeb@hotmail.com
Muqdisho-Somalia


Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
2 + 9 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.