Sayf Al Islam oo Tripoli ka soo muuqday iyo wejigebaxa reer Galbeedka

Tripoli Aug 23, 2011(qurbejoog.com)-Waxa saaka aroortii hore iska xadiriyay Hotel ku yaala bartamaha magaalada Tripoli wiilka uu dhawal Col Qadaafi ee Sayf Al Islam oo mucaaridka dalkaas iyo madaxda dalalka reer galbeedku shalay oo idil ay shaacinayeen in ay qabten.
Sayf oo xiran dalka ciidamada ayaa suxuufiyiin ku jirtay Hotelka Rixos ee Tripoli  booqday isla markaana kexeeyay oo soo mariyay dhamaan faras magaalaha Tripoli kuna goodiyay in ay difaacayaan dalkooda.
“Halkan ayaanu ku dhalanay waa dalkayagii waanan ku dhimaneynaa”ayuu yiri Sayf oo ay ku hareereysnaayeen ciidamo si weyn u hubeysan.
Mucaaridka dalka ee ay reer galbeedkuna u aqoonsadeen in ay yihiin dawlada dhabta ah ee dalka Liibiya ayaa jawaab ka bixin kari waayay in Sayf aanu gacantooda ku jirin.
Sidoo kale waxa isna gacanta mucaaridka ka baxay Maxamed Qadaafi oo isna la sheegay in uu kiyoo xor ah joogo Tripoli.
Mucaaridka Liibiya iyo dalalka NATO ayaa maalmihii na dhaafay waday olole saxafadeed oo ay ku sheegayaan in Tripoli ay %95 gashay gacanta mucaaridka,taas oo iminka u muuqata in ay beenowdey.
Qurbejoog-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com


Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
7 + 7 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.