Saraakiil Ajaaniib ah oo maanta dil iyo dhaawac loogu geystay Magaaladda Muqdisho “Daawo Sawirada”
Saraakiil Ajaaniib ah ayaa waxaa galabta dil iyo dhaawacba loogu geystay Magaaladda Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiiglaha, oo hadda u xiran Dowladda Soomaaliya.
Laba saraakiil Ajnabi ah ayaa waxaa galabta midna lagu dillay midna dhaawac loogu geystay Magaaladda Muqdisho, waxayna Saraakiishaan ka tirsanaayeen Hay’adda MSF Bilgium ee Xaruunteeda Magaaladda Muqdisho.
Dilka iyo dhaawaca ayaa waxaa fulliyay nin ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’adda MSF Bilgium ee Magaaladda Muqdisho, isla-markaana dilka iyo dhaawaca ayaa wuxuu ka geystay gudaha xaruunte MSF Bilgium ee Magaaladda Muqdisho.
Xaruunta Hay’adda MSF Bilgium ee Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay ku taallaa Isgoyska Zoope ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, isla-markaana xilli uu gacan ku dhiiglaha uu isku dayaayay in uu afduub u geysto laba kale oo shaqaale ah, ayaa waxaa ku soo gaaray Ciidamadda Nabad Suggida ee Dowladda Soomaaliya.
Gacan dhiiglaha ayaa wuxuu hadda ku jiraa gacanta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa baaritaano xoogan, oo lagu ogaan doono sababtii ka dambeysay dhacdada uu galabta ku kacay.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, laakiin Hay’adda MSF Bilgium ayaa waxay xaqiijisay in mid ka mid ah shaqaalaheeda galabta lagu dillay Magaaladda Muqdisho, halka mid kalana loo-geystay dhaawac.
Wixii kusoo kordho kala soco wararkayna dambe.
















