R/wasaare C/weli Oo Maanta Kormeeray Iskuulka Maxamuud Mire

DaabacoSaaxib u dir

R/wasaaraha xukuumadda Soomaliya Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa maanta hadal ujeediyay in ka badan 800 oo arday oo wax ka barta dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Maxamuud Mire kadib kormeer uu ku tegay dugsigaasi iyo xarunta wasaaradda arimaha dibedda
Kormeerkan uu maanta R/wasaaraha C/weli Maxamed Cali ’Gaas’ uu ku tagay dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Maxamuud Mire ayaa waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradDa waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare waxa uuna ugu kuur galayay xaaladda ardayda wax ka barata iskuulkaasi oo gaareysa 800 oo arday islamarkaana ay si lacag la aan ah wax ku baraan Macalimiin Soomaaliyeed oo is xilqaamay.
Mudane C/wali ayaa ugu horreyn u gacan qaaday qaar ka mid ah ardayda wax ka barata iskoolkaasi isagoo soo kormeeray dhamaan fasalada wax barasha ee dugsigaasi.
Marwo Khadiijo Aadan Daahir maamulaha iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Maxamuud Mire oo R/wasaare C/weli halkaasi warbixin ku siisay ayaa ka codsatay in dib u dhis lagu sameeyo qaar ka mid ah fasallada dugsiga oo bur bursan.
Sidoo kale qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiga hoose dhexe ee Maxamud Mire ayaa iyaguna ka codsaday dowladda in ay u sameeyso ardayda dhameeysata iskoolka  wax barasho Jaamacadeed.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare C/qaadir Maxamed Barre ayaa u ballan qaaday ardayda in wasaaradda wax barashada ay dib u dhis ku sameyn doonta iskuulkaasi.
Mudane C/weli R/wasaaraha dalka oo khudbaddi u dambeysay goobta ka jeediyay ayaa ballan qaaday in xukuumaddau ay hormarin doonto adegga bulshada oo ay hormuud ka tahay wax barashada ardayda Soomaaliyeed.
dhinaca kale mudane C/weli ayaa kormeer howleed ku tagay dhismaha xarunta wasaaradda arimaha dibadda halkaasi oo ay degganyihiin dhowr Wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda
waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay  wasiirka  arimaha gudaha taliyaha ciidmada booliska  wasiir ku xigeenno agaasimayaal guud iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Prf C/weli ayaa ku soo wareegay xafiisyada ay ka koobantahay wasaarada Arimaha dibadda waxa uuna kormeerkiisa kadib saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay albabka hore ee wasaaradda arimaha dibadda isagoo sheegay in uu kormeerkiisu ahaa mid uu ugu kuur galayo sida ay u shaqeynayaan qaar kamida wasaaradaha xukuumada ee hadda xarunta u ah wasaarada arimaha dibadda.
kormeerka uu R/wasaaraha uu maanta ku atgay iskuulka Maxamuud Mire ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowladdu ugu jirto horumaarinta adeegyada Bulshada sida wax barashada caafimaadka iyo wax yabaaha kale ee aas aasiga u ah nolosha bini’aadamka.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760