Qurba jooga reer Awdal ee Norway jidka Dilla ilaa Borama waa jid makaahiil.

"Labaatan sanadood oo guumaysay ah ayaa ku jirnay waxaanan iska xoraynayaa cadowga oo waxaan taariikh u samaynaynaa jiilka soo koroya , qodobadii shirkii xeego waa hubka iyo dufaaca cadowga looga hortagayo"......... Suldan dhawal.
STOKHOLM,- Lacagtii ay iska soo ururiyeen qurabajooga reer Awdal ee Norwey ayaa waxa diiday inay shilin  ku darsadaan dhalinta aan ahayn beesha makaahiil ee Samaroon.warkan oo ay noo xaqiijiyeen xubnihii ugu firfircoonaa ee ka qayb qaatay ururinta lacagtaasi ayaa waxa ay yidhaahdeen   "  waxaan waji qabax kala kulanay dhalinta aan ahayn Makaahiil ee samaroon ku waasi oo si cad noo diiday naguna yidhi jidku waa jid makaahiil anagu lacagtayadii waxaan ku bixinaynaa dekeda lughaya iyo shirkii xeego". arintan ayaan markii aan u kuurgalnay waxaa noo cadaatay inay la soo hadleen odayaasha iyo salaadiintooda taasi oo ay u sheegeen inay aanay ka qayb qaadan oo ay ku bixiyaan dekeda lughaya laga dhisaayo iyo shirkii xeego.Hadaba waxaa wax laga yaabo ah kuwa leh waxaan lacagtayada ku bixinaynaa dekada lughaya ,lugahaya waa dekada ka dhaxaysa meelaha samaroon sida jidhku uga dhaxeeyo beelaha samaroon , waxaanan cadaynayaa inaan diyaarna u nahay marka ay timaado lacagta ururinayo dekada , waxaanan kow ka nahay cida bixindoonta lacagtaasi dekada marka ay timaado,basle taasi waxaa leeyahay waa ninkii iyo xaasidnimadii lagu yiqiinay dadka sidaasi u hadlaya waxayna la mid tahay ku qabsoo ku qadidimaysade lagu haysto ugaaskii samaroon ee taariikhda  geeska afrika ugu dheer leh ee maanta la leeyahay ma aqoonsanin. shirkii xeego waa mid u khaasa beel ka mid ah beelaha samaroon,sida hada aan la soconaya waxaa ognahay in diidamada ugaaska ay ku jirtay qodobo la sheegay in shirkaasi laga soo saaray, waxaanan leeyahay haddii shirku ahaa mid sidan loogu bahdilayo taariikhdii umada gadabuursi ay lahayd, ma noqon doono mid aan aqbali karno shirkaasi iyo wixii ka soo baxayba waxaanan leeyahay habarcafaanay waxaad habar cafaan ku tihiin sidii hore ee dadkiina ku dhex noolaada oo cadaawad aan la idiin qaban ha isku abuurina.
warar hoose ayaa noo xaqiijiayay in suldaan dhawal la soo xidhiidhay dhalinyar Beesha habarcafaan oo uu yidhi"     Labaatan sanadood oo guumaysay ah ayaa ku jirnay waxaanan iska xoraynayaa cadowga oo waxaan taariikh u samaynaynaa jiilka soo koroaya , qodobadii jirkii xeego waa hubka iyo dufaaca cadowga looga hortagay. hadalkaasi waa mid badheedcad oo fidno xamaarsan oo lagu kala dilayo umada wada degan dhulkaasi.
waxaan leeyahay jidhka iyo dekadaba way dhismayaa loona joojin maayo inta xumaanta iyo xaasidnimada ka dhex wada tolka, midna waxaa leeyahay qoladan salaadiinta sheegaynaysa ee hadana dhalinyarta la soo hadlaysa ee leh jidh idiinma yaalo ee shirka xeego dhaqaalihiisa soo ururiya iyo dekada. hadaba sawirada iyo video ASARDA isku dhigaya ee iska dhigaya dad waxqabana waa idiin jeednaa waanan idin ognahay.  uuraysatee maxay dhali , waa sugaynaa bal halka ay ku damanbaysay mu,aamaraadka labadaasi suldaan ay ka dhex wadaa umada xalaasha ah ee taariikhda iyo xadaarada leh.
 
 
 

Mowliid Ahmed Xasan.
Sweden,stokholm.

 
 
FG dillapress.com kama masuul aha rayiga dadweynaha


Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
5 + 14 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.