Qoqani Oo Lala Wareegay
Dhobley:-Ciimada iskaabaya ee Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Raskanboni ayaa si buuxda ula wareegay Deegaanka Qoqani ee Gobolka Jubba Hoose.
Ka hor inta aysan ciidamada ka bixin Deegaanka ayaa la sheegay inay jireen Duqeymo xoogan oo ku dhacayey xaafadaha Deegaanka ay Shabaab ka baxeen.
Ciidamada Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay u ruqaansadeen dhinaca wadada lagu magacaabo Hawaar waalid halkaasi oo ay ka wadaan dhaqdhaaq Ciidan.
Saraakiil ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya ayaa warbaahunta u sheegay inay qorheynayaan gaaritaanka Deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolada Jubooyinka.
Masuuliyiinta Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Raskanboni ayaa dhawaan ku hanjabay inay ka saarayaan Deegaanada Jubooyinka Kooxda Shabaab.
Waxaa Muuqanaya Xiisado Coladeed oo u dhaxeya dhinacyada ku loolamaya Deegaanada gobolada Jubooyinka iyadoo Dagaaladaasina saameyn ay ku yeesheen Dadka Rayidka ah.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
















