Qodobo ka mid ah waxyaabaha Soonka Jabiya

Ugu horayn Allaah ha inaga aqbalo soonka. Qormaddan manta waxaynu ku eegi doonaa Dhawr qodob oo ka mid ah ah waxyaabaha Soonka jabiya, waxayna kala yihiin;-
1-Cunitaanka iyo cabitaanka oo ah laba shay oo gaadha caloosha dariiqo kastaba ha loo isticmaale sanka iyo afkaba halaga qaate ama ha ahaado waxyaaba xidid laga qaato sida sayloonka ujeedo kastaba halaga lahaade marka si badheedh ah loo isticmalo soonku wuu jabayaa , laga bilaao ilaa inta waago baryaayo , ilaa cad-ceedu ka dhacayso , Allah Ayaa inoo sheegay oo yihdi (Cuna oo caba ilaa ay idin kala cadaanayaan khaydka cad iyo ka madow ee subaxa dabadeedna dhamaystirta soonkiina ilaa inta uu gabalku dhacayo)
2-Galmada , Hadii ninku u galmoodo gabadhiisa Maalin ramadaan soonkii waa uu jabay,waxaana ka Tartimaaya Axkaam kale oo aynu dib ka sheegi dono Haddi Allah idmo  , laakiin habeenkii Waa banaantay Allah ayaa inoo sheegay oo yidhi “Waxa laguu xalaalayay bisha ramadaan habeenkii in aad dumarkiina la kulantaan” [Albaqra -187] ayadani waxay ay ina tusaysaa in ay xalaaltahay in ay kulmaan raga iyo dumarka is qaba ilaa inta ay gaadhayso salaada subax ama wakhtiga cuntada iyo cabitaanku ay naga xaarantimaysan yihiin ka dibna la soomo ilaa afurka ay gaadhayso,
3- Qofka isagoo soo jeeda ay ka yimaadan biya manidu isla markaana uu iska keenay isagu  soonku wuu ka jabayaa laakiin ninka isagoo hurda waxbana aan dareensanay ay ka timaado Kama jabayo.
4-Qofka meel jidhkiisa ka mid ah dhiig ka yimaado sida toobista oo kale, Nabigu (CSW) waxa uu yidhi “Ka wax toobay iyo kala toobay midna soon uma xidhna wuu ka jabay soonku” wuxuu yidhi iimaam axmed iyo bukhaari xadiiskani waxa uu sax ku yahay mawduucan waana ay isku raacsan yihiin mad-hadabaha iyo culumada xadiisku sida axmed, isaxaaq iyo ibnu khusayma iyo kuwa kale oo ka mid ah culumada umada islaamka ah, culimadii reer basra ee hore way xidhi jireen farmasiiyada dadka tooba bisha ramadaan, ibnu taymiya waxa uu yidhi axaadiista ku soo aruurtay arinkan in toobidu soonka jabinayso way faro badan yihiin waxa la mid ah dhiig aad u shubto si taba ruc ah, qofka doona bisha ramadaan in uu dhiig shubo ha ka dhigo wakhti habeenimo ah cida dhiiga loo shubayaa hadii ay tahay cid aad ugu baahan, qofka dhiiga shubayaa waa in maalintaa soonka jabiyo isagoo haysta cudur daar sharci ah maalintaana dib u qalayn doona.
5-Iska matajinta waxyaaba ku jira caloosha qofka oo ka soo baxa qofka afkiisa wax la cuno iyo wax la cabo isagoo iskaga matajinaya si badheedh ah soonku wuu ka jabay Nabiguna (CSW) waxa uu yidhi (Qofka iska matajiya waa in soonka qaleya) laakiin qofka aan ogaan iskaga matajin soonku kama jabayo.
6-Hadii qofku Diinta ka baxo , ama erayo kufri keensanaaya uu ku dhawaaqo waa uu ka jabayaa , maxaa yeelay islaam nimadii ka waynaydba uma jito.
7-Gabadha hadii dhiiga caaddadu ka yimaado waloow daqiiqadihii u danbeeyey ee malintaba ha ku jirtee waa uu ka jabaya , soon iyo salaad toona laguma laha ilaa inatay ka daahirayso
Inahaas ayaan kusoo koobi lahaa manta , allah waxaan ka baryayaa wixii gaf ah in uu inaga dhaafo wixii sawaab ahna inagu anfaco
Cabdinuur Maxamed Carab
Hargeysa, Somaliland


Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
8 + 2 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.