QM Oo Codsatay Lacago Wax-Looga Qabato Xaalada Bini’aadinimada Soomaaliya

Nairobi (RBC) Xiriiriyaha Qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca bini’aadantinimada Soomaaliya Mr. Mark Bowden oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa codsaday lacag gaareysa 1.5 bilyan oo doollar oo la rabo in lagu hirgeliyo mashaariic dhinaca bini’aadannimada oo la doonayo in laga fuliyo dalka dagaalada ay la hareen ee Soomaaliya.
Mr. Bowden ayaa siddoo kale sheegay mashaariicdaas in lagu hirgelin doonaan 148 hay’adood oo kala duwan, isagoo sheegay in dalabka lacagta uu ku saleysan yahay qiimeyn iyo daraasad dhab ah oo ku aaddan baahida deg-degga ah oo ay qabaan afar milyan oo Soomaali ah.
Bowden ayaa tilmaamay in qorshaha lagu badbaadinayo nolosha dadka dhibaateysan lagu guuleysan karo kaliya marka deeq bixiyayaasha ay bixiyaan lacagihii ay u ballan-qaadeen Soomaaliya.
Madaxa arrimaha bini’aadannimada waxa uu si weyn u ammaanay dalalkii gacanta ka geystay taageeradii loo fididay dad badan oo Soomaali ah oo ay saameysay abaarta ka jirta Soomaaliya.
Soomaaliya waxa ay ugu horreysa wadamamada Bariga Africa ee ay ku dulhabsadeen abaaraha lixaadka leh kuwaas oo dilay kulanaan qof.
Si kastaba dhawaan ayaa ugu baaqday dhinacyadda dagaalamaya Soomaaliya in ay ilaaliyaan xuquuqda shacabka lagu kor dagaalamayo, wax walbana ka hor mariyaan nolosha dadka ku barakacay abaarta iyo colaada ka taagan Soomaliya.
Kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka waxay xooga saartay baaq ay u jeedinaysay waddamada wada howgaladda military in ay hubaal ka dhigaan in howgaladooda aanay noqon kuwo waxyeelo u geysta dadka barakacay.
Baaqa Valerie Amos waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo hayadda ICRC ay sheegayso in duqeyn hawada ah oo ka dhacay magaalada Baardheere ay saameysay xarun dadka barakacay gudaha Soomaaliya,Waxayna intaasi raacisay in xaruntaas aanay cidna ku sugneyn waqtigaas iyada ah balse uu burbur soo gaaray qalabkii xarunta.

RBC
—————–
Xafiiska Wararka Nairobi